Falanqeyn:- Socdaalka Ra’isul-Wasaare Xassan Cali Kheyre Ee Jowhar.

0
361
Kheyre Oo Ku Sii Jeeda Jowhar.

Ra’isul-wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Maanta u socdaalayo Magaaladda Jowhar ee Xarunta Maamulka Hirdhabelle.

Waxa Tani ay Noqoneysaa Markii Labaad ee Uu Ra’isulwasaare Kheyre Booqdo Joehar tan iyo Markii Xilkan Loomagacaabay.

Hore waxaa uu Kheyre Ubooqday Isaga oo Ra’isul wasaare ah Markii Jowhar lagu Calema saraye madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare.

Ujeedka Kheyre Ee Jowhar.

Ujeedada ugu weyn ee kheyre uu u Boiqanayo Jowhar waa Xoojinta Xeriirka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maaamulka Hirshabelle Oo Dhawaan Kanoqday Heshiis ay wada gaareen Golaha iskaashiga Maamul-goboleedyadda kaasi oo xeriirka loogu jaraye Dowladda Dhexe ee Dalka.

Warar Lagu kalsoonyahay oo warsidaha Gargaa.net uu ka helay xafiiska Ra’isul-wasaare kheyre ayaa sheegaya in Socdaalkan uu qeybkayahay Dadaalo lagu Xoojinayo Heshiiskii dhawaan Muqdisho ay kukala saxiixdeen Madaxweynaha maamulka Hirshabelle iyo Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xasan Cali Kheyre ayaa Marka uu tago Jowhar Waxaa uu dhagax Dhigibdoonaa Mashruuc lagu dhisayo Wadada Xeriirisa Garonka Diyaaradaha iyo Magaaladda Jowhar.

Sidookale Ra’isul-Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa lafilayaa in Isaga iyo Madax katirsan Maamulka Hirshabelle in Ay dhagax dhigaan Xarun Cusub Oo Uu Yeelanayo Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle sida ay sheegeyso xog uu Warsidaha Gargaar.net uu kahelay Mas’uuliyiin katirsan Hirshabelle.

Wariye ibraahim Cali oo Katirsan Gargaar.net oo ku sugan Jowhar ayaa soo sheegaya in Ammaanka Magaaladda Jowhar ee xarunta Gobolka Shabellaha Dhexe uu yahay mid aad loo sugay iyadda oo Ciidamo aad ufara badan oo Xaqiijinaya Amniga lagu arkayo Afarta Xaafadood ee Magaaladda.

Qaban qaabadii ugu dambeysay ee lagu soo dhaweynayo Ra’isul wasaaraha Soomaaliya ayaa ka soconeyso Jowhar.

Ciidamo fara badan oo katirsan kuwa Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kabaxay Magaaladda Muqdisho ayaa Gaaray Jowhar kuwaasi oo Kaqeybqaadanayo Sugidda Ammaanka Jowhar inta uu halkaa ku sugan yahay Xasan Cali kheyre Sida uu kusoo waramayo Wariye Ibraahim Cali oo Jowhar ku sugan.