Akhriso:-Soomaaliya Oo Taageertay Boqortooyada Sacuudiga.

0
325

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Markale Shaacisay in si dhameystiran Ugarab Taagan tahay Danaha Dhaqaale ee Dalka Aanu walaalaha nahay ee Boqortooyadda Sacuudi Carabia.

Warka kasoo baxay Dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Soonaaliya ay Si buuxda u taageersan tahay Dagenaashiyaha uyo Qarannimadda Boqortooyadda Sacuudiga islamarkaana Siweyn ay kaga soo Horjeedo cidkasta oo Caqabad ku ah.

Xukuumadda Soomaaliya Waxaa ay Sheegtay in Ay ka Fogtahay Dhagar iyo Ol’ole ujeedooyin kale leh oo Lagu Doonayo in lagu hagardaaniyo Sacuudiga.

Warka kasoo baxay Xukuumadda Federaalka ahi ee Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya iyadda oo Boqortooyadda Sacuudi Carabia ay wajaheyso eedo laxiriira dilka wariye Sacuudiyaan ah oo lagu dilay Dalka Turkiga inkastoo eedahaasi Boqortooyadda Sacuudigu ay gaashaankabu daruurtay.

Wariye jamaal Oo ah Muwaadin Sacuudiyaan ah ayaa Caan ku ahaa Dhaliisha Qoyska Boqortooyadda ee maamula Sacuudiga waxaana Lawaaye Markii dhawaan uu gudaha ugalay Qunsuliyadda Sacuudiga ee Magaaladda istanbuul ee Dalka Turkiga.

Wixii markaa kadambeeye waxaa isisoo taraya wararka sheegaya in La dilay wariyaha oo hilibkiisa Boorsooyin Lagu Qaatay.

Dalalka Reer galbeedka ayaa Tilaabadaasi ku sheegay mid Sacuudiga uu ku gefay islamatkaana ah mid kabaxsan Bini’aadanimadda.