
Magaalada Muqdisho waxa ka socoda xus baroor diiq ah oo lagu xasuusanayo dadkii ku dhintay qaraxii ugu weynaa ee ka dhacay magaaladaas.
Baroor diiqdan ayaa la qabanayaa maanta oo 14 Oktoobar oo ah is sannad guuradii koobaad ee ka soo wareegtay markii qaraxii lagu hoobtay ka dhacay isgoyska Soobbe ee magaalada Muqdisho.
Dadweyne faro badan ayaa isugu soo baxay goobtii qaraxu ka dhacay, waxaan goobtaa la dhigay sameecado waaweyn oo ayaad Qur’aanka Kariim ka ahi ka socdo.
Waxa la filayaa in madaxda dawladdu ay ka qayb galaan ducadaa iyo baroor diiqda goobka ka socota, khudbadona ay halkaa ka jeedin doonaan.
