Cabdiraxmaan Cabdi-shakuur “Musiibo Ma Aha Wixii Ka Dhacay Soobe Ee Waa Xasuuq”

0
451
Cabdi-Raxmaan Cabdi-Shakuur Warsame/Gargaar.net
Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdi-Raxmaan Cabdi-Shakuur Warsame.

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa Muuqaal Kooban oo uu soo dhigay Bartiisa Facebooka waxaa uunkaga Hadlay Weerarkii 14-Octomber ee ka dhacay Isgooska Soobe.

“Shaqsiyan ma ihi dadka ku tilmaamaya musiibo arrintaas, Musiibo waxaa lagu qeexaa inay tahay dhibaato ka baxsan gacanta bani’aadamka, kana timid wax bani’aadamka gacantiisa ku jirin, xasuuqaan waxaa geystay iyo weerarkaan dad soomaaliyeed kuwii difaaci lahaana oo Soomaali ahna gabay mas’uuliyad ficil ah inay sameeyaan”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

Gaari Nuuca Xamuulka Ah Oo Ku Qarxay Soobe 14-Octomber-2017

Halsano ayaa laga Joogaa Markii Xasuuq weyn Uu Kadhacay Soobe waxaa Marqura wada Geeriyooday Boqolaal Ruux kadib Markii Uu Halkaa ku qarxay Gaari Xamuul ah oo ay ku rarnaayeen Walxaha Qarxa.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa Sheegay in Weerarkii Soobe aan Lagu Tilmaami-karin Musiibo Balse ay tahay Xasuuq.

Waxaa uu aad udhaliilay in Wili aysan Cadaalad Helin Boqolaalka Ruux ee Ku Go’ay Weerarka 14-Octomber Sanadii Hore Ka dhacay Soobe Iyadda oo Dadkii Falkaa geestayna ay Si Nabad ahi ugu Naaloonayaan Dalka.

“Waxaa uu ahaa Weerarkii ugu Weynaa Ebid ee ka Dhaca Dunida Marka laga soo tago Weerarkii Daarihii Mareekanka Ee Sanadii 2001-dii”Ayuu Yiri Siyaasiga.

“Waxaan sugeynaa maalinta aan farxi doono, maalinta cadaaladda la horkeeni doono kuwii ka dambeeyay weerarkaas waxashnimada ee aan naxariista laheyn, waxaa farxi doonaa maalinta dalka laga xoreeyo Al-Shabaab”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.

Boqolaal Ruux Oo Ka Qeyb-galay Xus Baroor-diiq Ah Oo Lagu Qabtay Soobe.

Mas’uuliyiin Katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Boqolaal Ruux Oo Shacab Ah ayaa Maanta Xus Baroor-diiq Ah Ku Qabtay Isgoyska Soobe Oo Xasuuq Ba’an uu ka dhacay Sanad Ka hor.

Ra’isul-Wasaare Kheyre Oo Ka Qeybgalay Barordiiq Ka Dhacday Soobe.

Ra’isul-Wasaare Xasan Cali Kheyre oo Dibad Baxaasi ka qeybgalay waxaa uu ku dhawaaqay in Waxbarasho Lacag la’aan ah ay siinayaan Caruurtii Waalidiintoodu ay ku baxeen Weerarka Soobe.