Madaxweyne Waare:- “Golaha iskaashiga Looma Dhisin In Uu Noqdo Mucaarad”!!!

0
317
Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi “Waare”

Maamul Goboleedka Hir-shabeelle ayaa war kasoo saaray go’aanadii ugu dambeeyay iyo shirarkii Golaha Iskaashiga dowladd goboleedyadda.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda ayaa lagu sheegay in go’aanadii ay soo saareen madax goboleedyadda Soomaaliya aysan Hir-shabeelle wax go’aan ah aysan ku laheyn.

Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in Golaha Iskaashiga aan loo aas aasin inuu noqdo isbaheysi mucaarad ah.

“Dowlad goboleedka Hirshabeelle waxay ka soo horjeestaa wax kasta oo baal marsan hadafkii loo aas aasay Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada”ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Madaxtooyada Hirshabeelle.

Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare ayaa dhawaan sheegay in Madax Goboleedaydda aysan yeelan Karin shir ay ka maqan tahay Hir-shabeelle.

HALKAN HOOSE KA DAALACO WAR-SAXAAFADEDKA.