Akhriso:- Mooshin Laga Keenay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele “Xaaf”

0
402

Xildhibaano ka Tirsan baarlamanaka Maamulka Galmudug oo fadhigooda uu yahay Magaaladda Dhuusa-mareeb ayaa Mooshin ka keenay Madaxweynaha maamulkaas Axmed Ducaalle Geelle(Xaaf).

Xildhibaanada mooshinka kawada Xaaf ayaa waxa ay gaarayaan ilaa 50-Xildhibaan, sida uu xaqiijiyay Xildhibaan Muxudiin Cali Jimcaale(Jakuula)  oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka Galmududug eek u sugan Dhuusa mareeb.

Arrintaan ayaa ka  dambeeysay kadib markii habeen ka hor uu dib u dhac ku yimid Magacaabista Golaha Wasiirada Galmudug oo lagu waday in Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed ducaale Geelle xaaf uu Magacaabo.

Dhawaanahanba Waxaa Cirka isku sii shareeraye Khilaafka Ragaadiyey Maamul-Goboleedka Soomaaliyeed ee Galnudug iyadda oo Sababtay In Xildhibaanadda Ay ukala Qeyb samaan Laba Qeybood.

Garab Taageersan Madaxweynaha Maamulka Galmudug Maxamed Cabdi Waare iyo Sheakh Shakir Madaxa Xukuumadda Galmudug iyo Qaar Taabacsan Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug Maxamed Cabdi Xashi Carabeey iyo Gudomiyaha Barlamaanka Galmudug Cali Gacal Casar.

Labada Garab waxaa ay kukala Sugan yihiin Magaalooyinka Dhuuso-Mareeb iyo Cadaado Waxaana ay Dhammaan Xilalka Kaqaadeen Madaxda Ugu Sareysa Galmudug Sida Madaxweynaha, Madaxweyne Ku Xigeenka, Gudoomiyaha Barlamaanka, iyo Gudoomiye Ku Xigeenka 1.aad ee Barlamanka Galmudug.

Madaxda Galmudug ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeye in iyadu ay soo abaabushay khilaafkan islamarkaana ay sii hurineyso.

Dowladda Dhexe Qudheeda waxaa ay sheegtay in Ay Xal uraadineyso Khilaafka Hareeeye Maamulka Galmudug oo Haatan Maraya meeshii ugu Xumeed.

Wixii soo kordhaa kala soco Gargaar.net.