(DAAWO)-(VIDEO):- isimadda Puntiland Oo Ku Baaqay In La Kordhiyo Tiradda Baarlamaanka.

0
372

Suldaan Saciid Guuleed oo Kamida Isimadda Dhaqanka ee Puntiland ayaa waxaa uu ku baaqay in La furo Dastuurka Puntiland islamarkaana Lakordhiyo Tiradda Xildhibaanadda Puntiland ee 66-ka ahi.

Waxaa uu sheegay in ay jiraan Beelo badan oo daga Puntiland Xaqna u leh in Ay helaan matalaadooda kuraas taasi oo ay kamaqantahay Tan iyo Markii la Aas’aasay Puntiland 1998-kii.

Waxaa uu Sheegay in ay Muhiim tahay in lakordhiyo Tiradda Xildhibaanadda si Beelahaasi ay u helaan Xaqa kamaqan.

Dhawaan Xildhibaano ka tirsan Kuwa Maamulka Puntiland ayaa soo jeediyey in lakordhiyo Tiradda Xildhibaanadda Puntiland.