AKHRISO:- Khodobo Muhiim Ah Oo Looga Hadlay Shirka Golaha-Wasiirada Soomaaliya.

0
358
Ra’isul-Wasaare Ku Xigeenka Dalka Oo Shir Gudoomiyey Golaha Wasiiradda.

Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Dalka Waxaa Maanta Shir ku yeeshay Golaha wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya.

Shirka Khamiislaha ah ee Gobolaha Fulinta Soomaaliya oo uu Shir Gudoominaye Ra’isul wasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Guuleed Khadar ayaa waxaa looga Hadlay arimo Dhowr ah.

Waxyaabaha looga Dooday waxaa kamida dardar-gelinta barnaamijka is-xilqaan oo lagu dhisayo xarumaha danta guud iyo wadooyinka si loo soo nooleeyo bilicda dalka iyo haybadda qarannimo.

Cabdulaahi Maxamuud Xaamud Wasiir Dowlaha Xafiiska Ra’isul-Wasaaraha Oo kulanka ka hadlay waxaa uu sheegay in Ganacsatada Soomaaliyeed ay Ku Howlan yihiin Bixinta Qeyb kamida Hantidooda Si buu yiri loogu fuliyo qorshe-yaasha Xukuumadda ee ku aadan Barnaamijka isxilqaan.

Waxaa kaloo uu Sheegay in Iminka Gacanta Lagu Hayo Dhismayaal Wadooyin oo lagu Dhisayo Barnaamijkan isxilqaan iyadda oo muwaadiniin Soomaaliyeed ay iskusoo taageen sidii ay Dib ugu soo celinlahaayeen Heybadda iyo Sumcadda Dhulkooda iyo Bilicda Magaaladda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa Todobaadka soosocda Xariga kajari doono Dhismaha Madxaf Lagu Dhisayo Barnaamijka Isxilqaan.

Dhammaan Xubnihii kulanka ka hadlay ayaa ku dheeraaday Kasheekeynta Muhiimadda uu Bulshadda U leeyahay Barnaamijka isxilqaan.