Ra’isul Wasaare Kheyre Oo La Kulmay Wasiirka Arimaha Dibadda Sacuudiga.

0
341
Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya iyo Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya oo kulmay.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre Ayaa Magaaladda Riyaad Ee Boqortooyadda Dalka Sacuudi Carabia kula kulmay Wasiirka Arimaha Dibadda Dalkaasi Adel bin Ahmed Al-Jubeir.

Kulankaasi waxaa Goobjoog ahaa Wasiirka Arimaha Dibadda Soonaaliya Axmed Ciise Cawad iyo Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geele.

Wafdiga Ra’isul Wasaare kheyre ayaa Booqasho labo maalin ah kubqaadan doona Dalka Sacuudiga kadib Cazuumaad ay ka heleen Boqorka Dalkaasi.

Kulanka Ra’isul Wasaraha Soomaaliya iyo Wasiirka Arimaha Dibada Sacuudiga oo La isugu soo qaaday Arimo khuseeya Labada Wadan ayaa Gogol Xaar unoqon Doono Kulan Ay qaadan Doonaan Madaxda Sare ee Dalkaasi iyo Wafdiga Soomaaliya ee uu Horkacayo Xasan Cali Kheyre.

Boqorka Dalka Sacuudiga iyo Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa islasoo qaadidoono marka ay kulmaan Arimo Khuseeyo labada Dal ee Sacuudiga iyo Soonaaliya.

Arimaha kale ee lafilan karo in ay kahadlaan ayaa waxaa kamida isbedeladda Kasocda Gobolka oo khuseeya labada Dal iyo Guud ahaanba isbedeladda Dunida iyo Sidii loosii Xoojin lahaa Cilaaqaadka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada Dal.

Sidookale waxaa Qorshuhu Yahay in Wafdigu uu Lakulmo Madaxda Bangiga Aduunka.

pp

Wixii kusoo kordhaa kulamadaa Lafilanayo kala soco Gargaar.net.