Maxaa Looga Hadlay Shirka Saaxiibada Soomaaliland Ee Caalamka Oo Hargeysa Ka Furmay.?

0
351

Madaxweynaha jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta rasmi ahaan uga furay magaalada Hargeysa shirweyne lagu magaacabay “shirka saaxiibada Somaliland ee caalamka” .

Shirkan oo ah kii ugu horeeyay ee noociisa oo ay soo qabanqaabisay wasaaradda arimaha dibedda ee Somaliland waxaa ka qayb galaya in ka badan konton ergay oo ka kala yimid qaaradaha adduunka, kuwaasoo ka kooban professoro, khubaro, iyo xubno ka tirsan baarrlamaanada dalal shisheeye .

Waxaa lagaga dooodayaa labada maalmood ee uu socdo shirku waxyaabaha u qabsoomay Somaliland 27kii sano ee ay goonida isaga taagtay somaliya inteedii kale, caqabadaha hortaagan aqoonsi caalaami ah in ay hesho, iyo tubtii loo mari lahaa.

Weriyaha BBC ee Hargeysa Axmed Saciid Cige ayaa goob joog ka ahaa furitaankii shirkaasi maanta, warbixintan ayuuna ka diyaariyey.