Dekedda Ber-bera Oo Labalaarinayo

0
434

Mashruuc lagu balaarinayo dekedda Berbera ayaa maanta munaasabadiisa dhagax dhigga lagu qabtay xarunta dekeadda.

Waxaa si wadajir ah mashruuca u dhagax dhigay madaxweyne ku xigeenka jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madax banaanida ee Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Seylici) iyo guddoomiye ku xigeenka shirkadda DP World, Cadnaan Al-Abar.

Qorshahan ayaa la sheegay inuu qayb ka ahaa heshiis ay hore u wada saxiixdeen Somaliland iyo DP world, kaasoo wajigiisa hore iminka 400 oo mitir lagu kordhinayo dekedda Berbera, wuxuuna qaadan doonaa muddo laba sano ah.

Wajiga labaad ayaa isna lagu kordhin doonaa dekedda 400 oo mitir, waxayna balaarintu noqon doontaa 800 mitir

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, C/raxmaan Seylici, wuxuu sheegay in dhismaha waddada Berbera iyo Wajaale oo dhererkeedu dhan yahay 240 KM ay dawladda Iimaaraadku billaabi doonto dabayaaqada sannadkan.

“Dhismaha waddadan waxay wax weyn ka tari doontaa ganacsiga Somaliland iyo Itoobiya” ayuu yiri Mr Seylici.

Iimaraadku waxay dhisi doonaan waddada Berbera- WajaaleLahaanshaha sawirkaMAXAMED CABDULLAAHI SOOFARIISTE
Image captionIimaraadku waxay dhisi doonaan waddada Berbera- Wajaale

Muddo shan sano ah ayaa la qiyaasayaa in dhismaha waddadaas uu qaato.

Dad badan waxay shaki ka qabeen in dhismaha waddadaas uu bilaaban karo, hase yeeshee wariyaha BBC, Axmed Siciid Cige, wuxuu sheegayaa in aragtida dadku ay tahay mid iminka isa soo beddelaysa, ayagoo rajo wanaag ka muujinaya dhismaha jidkaas.

12kii Maarso ee sannadkan ayuu baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya u codeeyey qaraar dalka looga mamnuucay in shirkadda DP World ay ka hawlgasho, waxayna xildhibaannadu ku gacan sayreen heshiiskii dhex maray Somaliland iyo DP World.

Somaliland ayaa arrintaas aad uga gilgiltay, ayadoo sheegtay in ay “ka madax banaan tahay Soomaaliya, sidaa darteedna aysan dawladda federaalku daw u lahayn ka hadalka heshiiskan”.

Balaarinta dekedda Berbera ayaa ku soo beegmaysa ayadoo shirkadda DP World iyo jamhuuriyadda Jabuuti ay dacwad ka dhex socoto, ka dib markii Jabuuti ay laashay heshiiskii ay DP World ay ku maamulaysay marsada Dooraale.