Al-Shabaab Oo Goob Fagaare-Ah Ku Toogtay Rag Ay Ku Eedeeyeen Basaasnimo

0
389
Alshabaab Oo Toogtay Rag ay ku eedeeyeen Basaasiin

Wararka aynu ka heleyno Degmeda Jilib ee Gobolka Jubadda Dhexe ayaa sheegaya in Dagaalyahanadda Xarakadda Al-Shabaab ay Halkaa ku toogteen Rag ay ku eedeeyeey Basaasnimo.

Arinkaan ayaa Dhacay Gilinkii Dambe ee Shalay iyadda oo Fagaaruhu ay aad usoo Buuxdhaafiyeen Shacab aad U Fara Badan.

Al-Shabaab ayaa dilkan fulisay, waxayna sabab uga dhigtay in raggan ay basaasiin u ahaayeen hay’adaha sirdoonnada ee waddamada Maraykanka, Ingiriiska iyo Soomaaliya.

Ragga la dilay oo da’doodu u dhaxaysay 22 jir ilaa 36 jir ayey maxkamad Alshabaab leedahay ku xukuntay dil toogasho ah, iyadda oo Xukunkaasina Lagu Fuliyey sida Ay Goobjoogeyaal lahadlay Gargaar.net kusoo waramayaan.

Ma aha markii ugu horeysay Al-Shabaab goob fagaaro ah ku toogato shaqsiyaad ay ku eedeysay in ay yihiin Basaasiin