Xildhiban Fanax:- “Wasiir Dowlaha Maaliyadda Waxaa Uu U Gefay Dastuurka iyo Qowmiyada Ku Hadasha Afka May-ga”

0
489
Xildhibaan Fanax

Xildhibaan Fanax oo kamida Mudaneyaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Sheegay in Wasiir dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Maxamuud Xayir uu u gefay Dastuurka Dalka iyo Qowmiyadda Kuhadasha Afka May-ga.

Xildhibaanka oo kamida Mudaneyaasha Baarlamaanka ee kasoo jeeda Deegaanadda Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa Sheegay in Wasiir dowlaha Maaliyadda uu kasoo yeeray hadal Gaf ku ah Dastuurka Dalka iyo Qowmiyad Gaar ah.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Maaliyadda Maxamuud Xayir

“Wasiirudowlaha Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya waxaa uu u gefay Dastuurka Dalka iyo Qowmiyadda ku hadasha Afka May-ga taasina waxaa ay tahay mid aan loo baahneen in Mas’uul uu Ereyo sidaas lamida oo daciifnimo ay ka muuqato uu ku hadaaqo” ayuu yiri Xildgibaan Fanax.

Xildhibaanka ayaa Ugu Dambeyntii Shaaciyey in Mas’uulkaasi uu Ugafay Dastuurka iyo Dad gaar ah islamarkaana uu kala hadlay in uu Raaligalin ka bixiyo Gafkaasi ayna ka sugayaan in inta uu Warbaahinta isugu yeero uu Raaligalin ka bixiyo.