Soomaaliya Oo Ay Ka Baxeen Sedex Kamida Tiirarka Fankeeda.

0
548

Horraantii todobaadkan iyo dabayaaqada todobaadkii hore waxaa fanka Soomaalida soo maray maalmo madow. Waxay maalmo ama saacado u dhexeeyeen geerida seddex qof oo meelo kala duwan ku dhintay, doorar kala duwanna ku lahaa fanka soomaalida.

Maxamed Miyir Xaaji

Wuxuu ahaa muusikiiste garaaca kabanka, darbuugadda (Durbaanka) iyo oorganka.
Wuxuu ku dhashay magaalada Hargaysa 1974kii, waxbarashadiisana halkaa ayuu ku qaatay.

Markii dagaalladu ay dheceen wuxuu aaday dhinaca deegaanka Dulcad ee dawlad deegaanka Soomaalida. Sida uu BBC u sheegay Cumar Cali Xasan (Seerbiya) oo ah suxufi uruuriya taariikhda fanka iyo fanaaniinta, wuxuu Maxamed Miyir halkaa ku bartay darbuugadda,ka dibna Jabuuti ayuu aaday, halkasoo uu kabanka ku billaabay.

Hargaysa ayuu dabayaaqadii sagaashameeyadii ku soo laabtay isagoo kabankana si fiican u sii bartay. “Wuxuu aad ugu dayan jiray gacanta Daa’uud cali Masxaf” ayuu yiri Cumar.

Bartamihii sagaashameeyadii ayuu Hargaysa ku soo laabtay, ka dibna wuxuu gaari kaga shaqaysan jiray Hargaysa, Wajaale iyo Gabiley, dhanka kalena kabankiisa ayuu sii horumariyey.

Xasan dhuxul (Laab-salaax) waa guddoomiyaha kooxda xiddigaha. Wuxuu ka mid ahaa dadkii ay isla soo shaqeeyeen Maxamed Miyir.

“2010 ayaan is barannay, waxay ahayd in yar ka dib markii aan aasaasnay kooxda xiddigaha, wakhtiyadaas ayuuna nagu soo biiray. Wax weyn baa wakhtigaas nagu soo biiray. Waxaa nagu soo biiray khibrad, waayo aragnimo, iyo mulaxan dhamaystiran” ayuu yiri Xasan Dhuxul.

Heesaha uu laxanka u sameeyey waxaa ka mid ahaa

Hankaagu ha dhaafo reer hebel iyo tacab .
“Heestii ugu dambeysay ee uu laxan saaro ee la yiraahdo

Bustaha soo dhigo agtayda, waxaana la qaaday habeenkii uu xanuunka qabtay, waxaana wada qaaday Farxiya Fiska iyo Cabdiraxmaan Oday, ka dibna 24 saacadood ayuu dhakhtarka yaallay, ka hor intii aanu dhiman. Wuxuu ahaa nin aad u dulqaad badan oo afgaaban oo intuu qof wanaagsan yahayna wanaag ku sifoobay” ayuu sii raaciyey Laabsalaax.

Maxamed Miyir wuxuu sidoo kale ka mid ahaa fanaaniinta qaranka ee Hargaysa, wuxuuna ka tegey xaas iyo 10 carruur ah, waxaana la sheegay inuu u dhintay xanuunka Faaligga.

Abwaan Maxamuud Cismaan (Fooldhuub)

Abwaan Maxamuud Cismaan Fool-Dhuub.

Abwaan Fooldhuub oo dadka qaarna u yaqaanneen Chief waxaa la qiyaasayaa inuu gobolka Sanaag ku dhashay dabayaaqadii 1930 meeyadii.

Wuxuu ahaa abwaan, jilaa iyo askari.

1958 ayuu ka mid noqday ciidanka booliska ee Soomaaliya, ka dibna ciidanka milateriga ayuu ku biiray.

Riwaayadiisii ugu horraysay wuxuu allifay 1966, waxaana la oran jiray Darxumiyo nin diiddan dagaal baa u dhaxeeya, fanaaniintii riwaayadaas dhigaysay waxaa ka mid ahaa Xaliimo Khaliif Magool iyo Hibo Nuura oo qaadday Heesta caanka ah ee ka tashada cadaawahoo isku tiirsanaada.

“Markii hore qaab ah in lagu maaweeliyo askarta ayaa riwaayadda loo allifay, laakin markii la arkay miisaankeeda waxaa la jeclaystay in dadweynaha loo bandhigo oo ay daawadaan” ayuu yiri Cumar Seerbiya oo taariilkhda Abwaan Fooldhuub si fiican u yaqaannay.

Riwaayadihiisa kale waxaa ka mid ahaa waa laguu digayaaye war hooy maad iska deyn & Ma dhabbaa jacayl waa loo dhintaa oo ka hadlaysay qisadii jacaylka ee Hodan Cabdulle Walanwal iyo Cilmi Boodhari.

Heesihiisa aadka loo yaqaanno waxaa ka mid ah Dayax afar iyo Tobnaad oo uu qaado Cabdi Tahliil, Kalgacaylkii guumowyee aboowe oo ay wada qaadaan Ibraahim Baadil iyo Faadumo Duur, iyo Haddii aan waraaqaha kuugu dhiibo weriyaha oo ku jirtay riwaayad la oran jirayInta laygu gafaayo guurku hay dabranaado, waxaana qaadda Faaduma Duur.

Abwaan Fooldhuub maalmo ka hor ayuu ku geeriyooday magaalada Dhahar ee gobolka Sanaag.

Shamso Xuseen Sheekh (Shumeey)

Shamso Shumeey Waxaa Ay Ciyaari Jirtay Ciyaaraha Hidaha iyo Dhaqanka Weyna Heesi Jirtay.

Shamso waxay ahayd jilaa, heesaa iyo cayaartoy hiddaha iyo dhaqanka.

Shamso Shumeey oo iyadana maalmo ka hor ku geeriyootay magaalada Muqdisho waxay ku dhalatay isla Muqdisho, xaafadda Shibis, 1971kii.

Maxamed-weli Axmed Cali oo ka mid ah fanaaniinta dhallinyarada ah oo ay Nairobi iskala soo shaqeeyeen fanaanadda, marna ay ehel yihiin, wuxuu BBC u sheegay in fanka ay ku soo gashay cayaartoy hiddaha iyo dhaqanka dabayaaqadii sideetameeyadii, ayadoo markaa ka mid noqotay kooxdii xoogga dalka ee Horseed.

“Markii ay dagaallada dheceen waxay aadday dalka Yemen, halkaasoo ay Axmed Naaji kula soo qaadday heeso ay ka mid tahay Allow baar naga geey wixii balaayo buufihaayo, marna heeso ayey la qaadday Cabdullaahi Shariif Baastow” ayuu yiri Maxamed weli.

Sannadihii dambe waxay tagtay Nairobi, halkaasoo heeso ay leedahay ay ku duubtay, ka dibna Muqdisho ayey ku laabatay, ayadoo ku biirtay kooxda Waaberi oo ay ilaa hadda ka tirsanayd.

Faarax Cali Xalane (Faarax Boorame) oo ka mid ahaa muusikiistayaashii kooxdii booliska ee Halgan, xilliyadii dambena ku noolaa dalka Kenya ayaa BBC u sheegay in “Shamso ay ahayd qof furfuran oo aan uur-ku-qaad aqoon”.

Wuxuu intaa ku daray in dhowr goor ay shaqooyin isugu yimaadeen, ayna ahayd qof hawlaha fanka dhankeeda si wanaagsan uga soo dhalaali jirtay.

Waxay ifka uga tagtay WIIL iyo Gabar.

Geerida fanaaniintan aadka isugu xigsaday ee qaddarta eebbe ay u timid ayaa ah mid na xusuusinaysa in loo baahan yahay dhaxal iyo xusuus in loo reebo jiilalka dambe ee aan nasiibka u helin inay arkaan sidii fanka iyo suugaanta Soomaalidu ay beri ahaan jireen.