Ra’isul-Wasaare Kheyre Oo Booqasho Rasmi Ah Uga Bilaabatay Sacuudiga. “Sawiro”

0
388
Ra'isul Wasaare Kheyre Oo Booqasho Rasmi Ah Uga Bilaabatay Sacuudiga.
Ra’isul Wasaare Kheyre Oo Booqasho Rasmi Ah Uga Bilaabatay Sacuudiga.

Xasan Cali Kheyre Ra’usul-Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Wafdi Balaaran oo uu Hogaaminayo kana Ambabaxay Muqdisho ayaa Gaaray Magaaladda Riyaadh ee Boqortooyadda Sacuudi Carabia halkaasi oo ay uga bilaabaneyso Booqasho Rasmi ah.

Ra’isul Wasaaraha Iyo Wafdigiisa ayaa Marki ay gaareen Riyaadh waxaa si weyn halkaa ugu soo dhaweeye Mas’uuliyiin katirsan Boqortooyadda Sacuudiga.

Wafdigan Ayaa Sacuudiga Ku Sugnaan Doono Mudo Labo Maalin ah Kadib Cazuumaad Rasmi ah oo kaga Timid Boqorka Boqortooyadda Sacuudiga.

Xasan Cali Khayre ayaa kulamo la yeelan doono mas’uuliyiinta ugu sarsareysa dowladda aan walaalaha nahay ee boqortooyada Sucuudi Carabiya, si ay uga wada hadlaan xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha iyo aminga.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa sidoo kale kulamo la qaadanaya madaxda Bangiga horumarinta Islaamka oo ay ka wada hadlayaan horumarka dhaqaalaha Soomaaliya, maal-gelinta iyo dib-u-habaynta ballaaran ee lagu sameeyay hannaanka maamulka maaliyadda dalka.

HALKAN HOOSE KA DAALACO SAWIRADA.