Falanqeyn:- Socdaalka Ra’isul-Wasaare Xasan Cali Kheyre Ee Sacuudiga.

0
332
Xasan Cali Kheyre Oo U Dhoofay Sacuudiga
Xasan Cali Kheyre Oo U Dhoofay Sacuudiga

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa Maanta ka dhoofay Gigida Duyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cabdulle Cismaan “Aadan Cadde” isaga oo ku sii jeeda Dalka Boqortooyadda Sacuudi Carabia.

Socdaalkan oo ah mid aan hore loo sii shaacin ayaa lafilayaa in uu sii xoojiyo xeriirka Saaxiibtinimo ee labada Dal ee Sacuudiga iyo Soomaaliya.

Xasan Cali Kheyre iyo Wafdi Balaaran oo wasiiro ah oo uu Horkacaye waxaa garoonka Diyaaradaha Muqdisho kusii sagootiyey Mas’uuliyiin ka tirsan Laba Gole ee Dowladda Federaalka.

Ujeedka Socdaalka Ra’isul-Wasaare Kheyre.

Wasiirka warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Daahir Maxamuud Geele oo Saxaafadda Lahadlay ayaa Faahfaahiyey Socdaalka Ra’isul wasaaraha ee Sacuudiga.

waxaa uu sheegay in Casuumaad Rasmi ah uu ka helay Boqorka Dalka Sacuudi Carabia islamarkaana Maalmo Kooban uu ku sugnaan Doono Dalkaasi.

Wasiirka Warfaafinta Oo Sii Hadlaye ayaa Sheegay in Labada Dhinac ay is xogwareysan Doonaan.

Maxay kawada hadlayaan labada Dhinac.?

Raisul-Wasaaraha Soomaaliya Iyo Wafdigiisa iyo Boqorka Boqortooyadda Sacuudi Carabia ayaa kawada hadli doono arimo Khuseeya labada dal ee Sacuudiga iyo Soomaaliya Sida uu warbaahinta u sheegay Wasiirka Warfaafinta Soonaaliya Daahir Maxamuud Geele oo sheegay in ay sii falanqeyn doonaan sidii loo sii xoojin lahaa Xiriirka Qotada dheer ee labada wadan.

Arimaha kale oo ay kawada hadlayaan waxaa kamida Arimaha laxiriira isbedaladda Gobolka iyo Guud ahaan Dunida.

Sacuudiga iyo Soonaaliya ayaa hada u muuqanaya in ay yihiin saaxibo dhaw waxaana ka dhexeeya Xeriir Qoto Dheer oo Soojireen ah.