Cabdi-Kariim Sheakh Muuse “Qalbi Dhagax” Oo Dhuuso-Mareeb Kula Kulmay Madaxda Galmudug.+Sawiro.

0
302

 

 

Qalbi Dhagax Iyo Mas’uuliyiinta Galmudug Oo Kulmay.

Magaaladda Dhuuso-Mareeb Waxaa Maanta ku kulmay Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle “Xaaf” Iyo Cabdi Kariim Sheakh Muuse “Qalbi-Dhagax”.

Kulanka waxaa Sidookale Goob Joog Ahaa Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheakh Maxamed Shaakir Cali iyadda oo uu kamid ahaa Socdaalo uu Qalbi Dhagax ku Maraye Goboladda Dalka.

Qalbi-Dhagax oo Kahadlay Kulanka Waxaa uu Maamulka Galmudug iyo Shacabka Reer Galmudug kaga Mahad noqay Sodhaweynta lo fidiyey.

Cabdi kariim Qalbi dhagax oo Marsii Horeysay warbaahinta lahadlay waxaa uu sheegay in Meelaha uu Socdaalkiisa kumarayo  Muqdisho oo Ah Caasimadda Dalka Aysan kamid aheyn.

Waxaa uu dhawaanahan Ku Sugnaa Magaaladda Galkacyo Ee Xarunta Gobolka Mudug oo uu kaso galay Dhinaca Puntiland.

HALKAN HOOSE KA DAALACO SAWIRADDA.