
Meydka Viktoria Marinova oo aheed Gabadh Sameyn Jirta Barnaamijyo Dabagal ah ayaa Talaadadii aynu kasoo Gudubnay laga Helay Goob dadku ay unasiino tagaan.
Boliiska Dalka Bulgaria oo kawalaacsan arinkan ayaa sheegay in ay sameynayaan Baaritaano ku aadan Sababta Loo dilay Victoria oo 30-Sano Jir aheed hadii ay tahay mid Shaqsi iyo mid Shaqadeeda La Xiriira.
Bokiisku waxaa ay Carabka ku adkeeyeen in ay sameynayaan Baaritaano Shaqsiyadeda laxirira iyo mid shaqadeda la xira si Cadaalada ay u hesho Saxafiyadan.
Maydkeeda ayaa laga helay xarun lagu nasto oo ku taalla magaalada Ruse, goobtaas oo u dhaw wabiga River Danube Sabtidii.
Wakiilka Xuriyadda Warbaahinta uqaabilsan Ururka Midowga Yurub Harlem Desir ayaa Si kulul U Cambaareeye Dilka Gabadhan Saxafiyadda Ah asiga oo Sheegay in uu aad kaga naxay Dilka Bulgaria Loogu Geestay Victoria.
The @EFJEUROPE calls on authorities to identify and arrest those responsible for horrific murder of journalist Victoria Marinova in #Bulgaria pic.twitter.com/ukAgEk6tNv
— Ricardo Gutiérrez (@Molenews1) October 7, 2018
“Waxaan si degdeg ah ugu baaqaynaa in si buuxda baaritaan loogu sameeyo dilkan”. Dadka masuulka ka ahna lala xisaabtamo. Ayu Hadalkiisii Raaciyey Harlem Desir.
Marinova ayaa ah saxafigii saddexaad ee magac leh ee lagu dilo Midawga Yurub sannadkii hore iyo midkii afraad ee la dilo tan iyo billowgii 2017kii.