Maxaa Dadka Afrika Ku Adkeeyay Fiisayaasha Safarka Dalalka Kale Ee Gudaha Afrika?

0
449

Ninka ugu qanisan Afrika Aliko Dangote, ayaa sheegay inuu u baahan yahay 38 dal ku gal oo uu ugu safrayo gudaha Afrika baasaboorkiisa Nayjeeriyaanka ah. Dad badan oo u dhashay dalalka Yurub, ayaase dal ku gal la’aan ugu safra dalal badan oo Afrikaan ah.

Dadka Afrikaanka ah ayay ahayd in laga joojiyo shuruudaha dal ku galka ee lagu xiro marka ay u socdaalayaan isla qaaradda halka lagu gaaro sanadka 2018.

Waxay arrintaan qeyb muhiim ah ka ahayd “hiigsiga Midowga Afrika iyo qorshayaasha la doonayay in lagu guuleysto 50ka sano ee soo socda” kuwaasi oo ay isku waafaqeen dhammaan dowladaha Qaaradda Afrika sanadkii 2013.

Balse ilaa iyo maanta, dalka Seychelles ayaa ah waddanka keliya ee aan dal ku gal ku xujayn dadka Afrikaanka ah iyo aan ahayn.

Warbixin uu dhawaan soo saaray Midowga Afrika ayaa lagu ogaaday in dadka Afrikaanka ah ay u safri karaan bilaa dal ku gal boqolkiiba 22 dal oo gudaha dalalka Afrika ah.

Waa mowduuc xasaasi ah, oo sababaya fikrado midab takoor ah oo ka jira qaar ka mid ah dalalka ugu qanisan qaarada Afrika, inkastoo siyaasiyiinta kasoo jeedo magaalooyinka Cape iyo Qaahiro ay ku adkeysanayaan in dhaqdhaqaaqa xorta uu muhiim u yahay isbeddelka dhaqaale ee qaarada Afrika.
“Waxaa muuqata in hoggaamiyeyaasheena ay aad ugu fogaanayaan ilaalinta xuduudihii ay ka tageen gumeystuhu,” ayay tiri Katchie Nzama oo ah qoraa Koonfur Afrika u dhalatay booqatayna 35 dal oo ka mid ah 55 waddan ee Afrika.

Midowga Afrika ayay u badan tahay inay doonayaan qaarad aan kala xirneyn ama bilaa xuduud ah, oo dadkeeda 1.2 bilyanka ah ay isugu gudbi karaan si xor ah, si la mid ah dadka Midowga Yurub.

Marka laga hadlayo saraakiisha socdaalka ee dalka Burkina Faso, dadka Afrikaanka ah waxay uga qaadaan dal ku gal ahaan 200 oo doolar, halka Tanzania ay xirxirto dibna u musaafuriso dadka muhaajiriinta ah ee bariga Afrika ka yimaada ee sida sharcidarrada ah ku soo gala dalkeeda.

Sidoo kale Tunisia ayaa dal ku galka u diidda rakaabka Afrikaanka ah marka uu dib u dhac ku yimaado diyaaradihii ay saarnaayeen, taasi oo ka dhigeysa safarka gudaha dalalka Afrika mid uu shaki badan ku xeeran yahay.

Koonfur Afrika ayaa u muuqata inay tahay dalka ugu labo wajiileynta badan marka laga hadlayo arrimaha dal ku galka, iyada oo si weyn albaabada uga xiratay dalalka kale ee Afrika balse soo dhaweysa dalal badan oo dunida ah.

Muwaadiniinta shan dal oo Afrikaan ah keliya ayaa u safri kara Koonfur Afrika dal ku gal la’aan, halka kuwa heysta 28 baasaboor oo dalalka kala duwan ee Yurub ahna ay si xor ah ugu safri karaan dalkaasi.

Afhayeenka wasaaradda Arimaha gudaha ee Koonfur Afrika Thabo Mokgola, ayaa difaacay siyaasadda dalkiisa ee dal ku galka.

“Tani waa arin aan sax ahayn, dal ku galku waa heshiis ku tiirsan sida la iskula macaamilo, haatana waxaan soo gebogebeyneynaa in sidaasi oo kale aan ula mucaamalno dalal badan oo Afrikaan ah” ayuu ku yiri BBC

Tusaale ahaan Kenya, ayaa muwaadiniinta Koonfur Afrika ku siisa dal ku gal ka garoonkeeda, balse dadka Kenya u dhashay ayay tahay inay codsadaan dal ku galka iyagoo bixinaya lacago khidmad ah, ka dibna sugaya ugu yaraan shan maalmood ka hor inta aysan u safrin Koonfur Afrika.

Sannadkii 2015, labo sano ka dib markii Midowga Afrika uu weydiistay xubanaha ku jira inay ku dedaalaan joojinta shuruudaha dal ku galka gudaha dalalka Afrika halkii lagu gaaro 2018, ayay Koonfur Afrika ku gacan sayrtay waxayna ku dhawaaqday sharciyo adag oo si weyn loo dhaliilay.

Baasabooradda Afrika

Dalalka Namibia, Mauritius, Ghana, Rwanda, Benin iyo Kenya ayaa dhammaan khafiifiyay shuruudaha safar ee muwaadiniinta kale ee Afirka, haatana dal ku galka ayaa lagu bixiyaa garoomada, waxayna muwaadiniintu ku joogi karaan ilaa 90 maalmood marka loogu dhufto dal ku galka baasabooradooda.
Balse muwaadiniinta Afrika ayaa wali doonaya dal ku gal ay ugu safraan in ka badan kala bar 55ka dal ee qaaradda Afrika ay ka kooban tahay.

“Ruuxa aniga oo kale ah, waxaan u baahanahay 38 dal ku gal si aan ugu safro guud ahaan Afrika,” ayuu ku calaacalay bilyooneerka u dhashay Nigeria ee Aliko Dangote.

Waxaa la sheegayaa inuu safka hore uga jiro dadka qaadanaya baasaboorka halka ah ee Afrika, kaasi oo la daahfuray sanadkii 2016.

Baasaboorkaasi ayay tahay inuu ugu dambeynta beddelo baasaboorada u gaarka ah Afrika , balse haatan waxaa heysta oo keliya qaar ka mid ah madaxda dowladaha Afrika, diblomaasiyiinta iyo saraakiisha ugu sareysa Midowga Afrika.

Qiimaha dheeraadka ah

“Qarashka duullimaadka Kenya ilaa Namibia ayaa la mid ah qarashka Kenya ilaa Thailand. Kharashka Dubai ilaa Nairobi iyana wuxuu ka jaban midka Kenya ilaa Morocco,” ayay tiri Winnie Rioba oo ah qoraa in badan socdaasho.

Ms Rioba ayaa bixisay $90 oo dal ku galka Djibouti ah, taasi oo ka badan $75 oo ay u bixisay dal ku galka Schengen, dal ku galkaasi oo ay ugu safartay 26 dal oo Yurub ah.

“Waxaa dal ku galka iiga baxay qarash ka badan kaan ku socdaalayay safaro badan oo gudaha qaaradda ah,” ayay intaasi kusii dartay Ms Nzama.

Funmi Oyatogun oo ganacsato dhalinyaro ah, una dhalatay dalka Nigeria ayaa si ay u caawiso dadka kale ee ay isku waddanka yihiin ee dhibka badan ka mara dal ku galka, waxay sameysay hanaan fudud oo dadka Afrika ay ku safri karaan.

“Waxaan diiradda saarno ayaa ah inaa fududeyno in dadka Afrika ay si sahlan ugu safraan dalalka kale ee Afrika, ayay tiri mar ay ka hadleysay barnaamijkeeda TVP.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa jiro dadaallo xooggan oo lagu doonayo in meesha looga saaro shuruudaha ku xiran dal ku galka la weydiiyo dadka Afrikaanka ah ee isaga dhex gooshaya gudaha qaaradda Afrika.

Balse iyada oo xilligii loo qabtay uu sii dhammaanayo, kaasoo ku beegan sanadkaan 2018, ayaa haddana dad aan badneyn waxay rumeysan yihiin inay dhawaan suuragali karto.

Xigasho:- BBCSOMALI.COM