Madaxweyne Xaaf Oo Beeniyey in Golaha Iskaashiga Maamul-Goboleedyadu Ay Ku Shireen Nairobi.

0
354
Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele “Xaaf”

Madaxweynaha Maamul-goboleedka Soomaaliyeed Ee Galmudug Axmed Geele Ducaale Xaaf ayaa Marki ugu horesay kahadlay Nuxnuxda Ku aadan Shir Golaha iskaashiga Maamul-Goboleedyadda ay ku yeesheen Magaaladda Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Xaaf waxaa uu beeniyey warar baryahaan Dadku isla dhexmarayeen oo ku aadan Shir golaha iskaashiga Maamul-Goboleedyadda ku dhex maray Naurobi.

waxaa uu sheegay intaasi ay tahay mid aan sal iyo raad laheyn Marka laga sootago in madaxda qaar ay gooni gooni isu arkeen.

waxaa uu Sidookale Kahadlay arinta laxidhidhta khilaafka Galmudug iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in Xalinta Khilaafkaasi ay ku soo baxeen Gudiga Aqalka Sare ee Baarlamaanka iyagase ay tahay in laga dhur sugo Balse uusan Ka Hordhaceyn Natiijadda.

Khilaafkan Dowladda federaalka iyo Galmudug ayaa waxaa uu kamid yahay khilaafyo madaxda Dowladda kala dhexeeyo maamuladda kale ee dalka ka jidha.