Dabley Hubeysan Oo Galkacyo Ku Dilay Wiil-Dhalinyaro Ah.

0
486
Galkacyo

Kooxo Hubeysan ayaa Magaaladda Galkacyo Ee Xarunta Gobolka Mudug ku dilay wiil dhalinyaro ah oo kamida dadka magaaladda kunoolaa.

Wiilkan oo lagu magacaabi jiray Xaamud Wardheere Inkastoo Aan la ogeyn Sababta Loodilay.

Goobjooge  ku sugan Magaaladda Galkacyo ayaa Gargaar.net u xaqiijiyey in Dabley hubeysan ay Dhowr xabadood ku dhufteen wiilkan Islamarkaana ay goobta ka baxsadeen.

Ciidamadda Ammaanka Galkacyo ee isku dhafka ah ayaa hada ku sugan goobta Dilku uu kadhacay kuwaasi oo baaritaano ku haya kooxihii dilka geestay iyo qaabka ay wax u dhaceen.

Willi Majirto Cid Sheegatat Mas’uuliyada Dilkaasi.

Wixii kusoo kordhaa kala soco gargaar.net.