Nike oo ka walaacsan eedaymaha kufsiga ee loo soo jeediyay Cristiano Ronaldo.

0
406

Shirkadda Nike ayaa sheegtay “in ay aad uga walaacsan tahay” eedaymaha kufsiga ee ka dhanka ah xiddigga kubbadda cagta ee Cristiano Ronaldo.

Shirkadda Nike ee dharka ciyaaraha samaysa ee dalka Maraykanka laga leeyhay ayaa qandaraas hal bilyan oo doolar ah kula jirta Ronaldo, waxayna sheegtay in ay sii wadi doonto in ay si dhaw ula socoto arrin tan”, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AP.

Shirkadda kale ee dharka ciyaaraha samaysa ee EA oo sidoo kale qandaraas kula jirta Ronaldo ayaa war sidaas oo kale ah sheegtay.

Roanldo oo 33 jir ah “ayaa si adag” u diiday in uu hotel ku yaalla Las Vegas tacaddi galmo ugu gaystay Kathryn Mayorga sannadkii 2009.

Kathryn oo 34 jir ah oo dalka Maraykanka u dhalatay horayna u soo noqotay macallimad waxaa ka hadalka arrintan ku dhiiri galiyay dhaqdhaqaaqii dunida caanka ka noqday ee #MeToo, sida uu qareenkeedu sheegay.

Dhaqdhaqaaqa #MeToo ayaa ahaa mid ay dumar badan ku soo bandhigeen rag magac iyo maal badan haysta oo ay sheegeen in ay tacaddiyo galmo u gaysteen.