Dad diyaarad duulimaad ku jirta ku dhex gam’ay oo la xaday.

0
354

In diyaarad duulimaad ku jirta lagu dhex gam’o ma aha wax qof walba u suuragasha. Balse rakaab saarnaa diyaarad ay leedahay shirkadda South Airways (SAA) oo ku sii jeeday Hong Kong kana duushay magaalada Johannesburg Isniintii ayaa intii ay jiifeen laga xaday waxyaabo qiimo leh.

Warbaahinta dalka Koonfur Afrika laga leeyahay ee Times Live ayaa ku warrantay in qaar ka mid ah rakaabka ay shaqaalihii diyaaradda ku wargaliyeen in ay waayeen lacago iyo saacado ay wateen oo ku jiray meesha kuraasta ka koraysa ee alaabada la gashado.

Shirkadda diyaaradaha ee SAA ayaa Idaacadda Jacaranda FM u xaqiijisay in dhacdadaas ay ka dhacday mid ka mid ah diyaaradaheeda, sidaadii ay diyaaraddu u cago dhigatayna la wargaliyay masuuliyiinta, lana aqoonsaday dadkii arrintaas ka dambeeyay.

Booliiska ayaysan u suurtagalin in ay helaan lacag iyo saacad, balse waxaa loo malaynayaa in ay nadiifiyeyaashu heleen markii dambe, sida uu ku warramay Times Live.

“Alaabadii la waayay waxaa laga helay meel kale oo diyaaradda ah waxaana loo celiyay dadkii lahaa” ayuu Idaacadda Jacaranda FM u sheegay afhayeen u hadlay shirkadda diyaaradaha ee SAA.

Rakaabka ayuuna kula taliyay in ay taxdar muujiyaan marka ay alaabadooda meel dhigayaan.