Xarakadda Al-Shabaab Oo Ka Hadashay Weerarkii Ismiidaaminta Ahaa Ee Ka Dhacay Muqdisho.

0
341

Xarakadda Al-Shabaab ayaa War Qoraal ah oo ay kusoo Bandhigeen Baraha Bulshadda oo ay warar kooda ku Faafistaan waxaa ay kaga Hadkeen Qarax ismiidaamin ah oo Maanta ka dhacay Degmedda Deyniile ee Gobolka Banaadir.

Warka waxaa lagu Sheegay in Dagaalyahan Naftii Hure ah oo katirsan Xarakadda Al-Shabaab in uu isku Qarxiyey Kolonyo Ay lasocdeen Saraakiil Katirsan Midowga Yurub Meel Aan Ka Fogen Xarunta Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ee Degmedda Deyniile.

Waxaa Xarakadu ay Sheegtay in Gaariga ay ku rakibnaayeen walxaha qarxa in ay ku dhufteen Kolonyadda Ay lasocdeen Saraakiisha katirsan kuwa Midowga yurub ee Ku sugan Soomaaliya.

Ugu Dambeyntii Al-Shabaab ayaa sheegtay in Faah-faahinta khasaaraha Dhabta ah ee ka dhashay Weerarkii Maanta in ay Dib Kasoo sheegi doonaan.

Kolonyadda ay la socdeen Saraakiil katirsan Kuwa Talyaaniga ayaa lasheegay in Weerar Qarax ah Barqanimadii Maanta Lagula Beegsaday Meel aan ka fogeyn Xarunta wasaaradda Difaaca Soo.aaliya ee ku taala Degmedda Deyniile ee Gobolka Banaadir kuwaasi oo kasoo baxay Xarunta.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaana Willi ka hadlin Weerarkii Maanta Iyo Khasaaraha Dhabta ah ee ka Dhashay.

Wixii wararkaa kusoo kordhaa wararkeena kale ayaan idinkuugu soo baahin doonaaa in sha’allah.