Gudiga Dhismaha Wadada Isku Xirta Garowe/Galkacyo Oo Beniyey In C/Wali Gaas Uu joojiyey Dhismaha Wadada.

0
357

 

Waxaa Si Hamsami leh u soconaya Dhismaha Wadada Xiriirisa Galkacyo iyo Garoowe.

Gudiga Dhismaha Wadada Xiririsa Magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garoowe ayaa Beeniyey Warar Been abuur ah oo ay baahiyeen Warbaahinadda ku hadla Ama Wax ku qora Af-Soomaaliga kaasi oo ku aadanaa in Madaxweynaha Puntiland uu Joojiyey Dhismaha Wadada.

Warbaahinada ayaa daabacay in Dhismaha Wadada uu Joojiyey Cabdiwali Gaas Madaxweynaha Maamulka Puntiland kadib Digreeto uu Xafiiskiisa Kasoo saaray.

Nabadoon khaliif Ow Cali oo ah Gudoomiye kuxigeenka shirkada Isxilqaan ayaa waraysi uu siiyay radio Daljir waxa uu ku beeniyay wararkaasi sheehgaya in shaqadii wada uu joojiyay Madaxweynaha.

Mashruuca wadada iskuxirta magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garoowe oo ay horay uwaday dowladda Jarmalka ayaa tan iyo markii uu Jarmalku joojiyay shaqadii uu wadadaasi ka haday waxaa howlsha wadadan sii waday shirkada Isxilqaan ee dhisaysa wadadan.