Cristiano Ronaldo Oo Been Abuur Ku Tilmaamay Eedo Kufsi La Xiriira Oo Loo Heestay.

0
464

Cristiano Ronaldo Wax Xaqiiqda Ka Fog Ku Tilmaamay Eedo laxiriira kufsi oo uu wajahaye.

Gabadh Udhalatay Dalka Mareekanka ayaa Ciyaariyahanka Reer Boortaqiis Ku Eedeysay in uu Kufsaday sanadii 2009-kii.

CR-7 Iyo Qareenkiisa ayaa isku raacay in arinkan uu yahay mid Lagu Doonayo in Magac lagu raadsanayo eedan laguna doonayo in lagu giraafto magaca Ciyaariyahankan.

Muuqaal uu Cristiano Ronaldo Soo dhigay Barta uu kuleeyahay Instigramka ayuu ku sheegay in Tani lagu Doonaayo In Magac lagu Raadsado Balse ay tahay mid Fashilantay.

 

Qareennada Ronaldo ayaa sheegay in ay dacwad ku soo oogi doonaan jariidadda Der Spiegel oo markii ugu horraysay tabisay warka eedaynta ah.

Jariidadda ayaa daabacday in Kathryn Mayorga ay sheegtay in Ronaldo oo 33 jir ah uu ku kufsaday huteel ku yaalla Las Vegas.

Mayorga oo 34 jir ah ayaa sheegtay in wax yar ka dib ay dacwad kufsi ka furtay booliiska Las Vegas, sidaadii ay arrintu u dhacdayba.

Sannadkii 2010kiina waxay sheegtay in ay gashay heshiis xeer jajab ah oo lagu siiyay 375,000 oo doolarka Maraykanka ah iyadoo arrintaas uu qayb ka ahaa Ronaldo, lagulana heshiiyay in aysan waligeed bulshada dhexdeeda ku soo hadal qaadin.

Qareenkeeda ayaa hadda isku dayaya in heshiiskaas uu noqdo mid aan waxba ka jirin.
War qoraal ah oo uu soo saaray Christian Schertz oo ah qareenka Ronaldo ayaa lagu sheegay “in soo bandhigidda warka Spiegel uu yahay mid sharci darro ah”.