Nimaan Kuu Furi Doonin Yuusan Kuu Rarin.<>

0
515
Lamaanaha Qarniga
Lamaanaha Qarniga

Maalmahaan waxaa goob kasta lagu gorfaynayey guurkii labada dhallinyaro ee geerida iyo xabsiga sababay.

Qaybaha kala duwan ee wabaahinta ayaa qayb ku lahaa faafinta iyo buunbuuninta waxyaabo fara badan oo aan jirin ilaa ay arrintu gaarto heer la siyaasadeeyo amaba la isu uriyo labada dhinac ee dhibku kala dhex yaal. Waxaa is weydiin mudan yaa ku dhiirran lahaa farxad murug ku lammaan tahay?

Da’ yarta guurkooda la hadal hayey oo bandhigga noqday in badan oo ka mid ah waa marin habaabin iyo dhalanteed loo muujinayo lammaanaha guurkoodu dhibka keenay, aragtida isku sawiridda iyo ka soo muuqashada idaacadaha la iska arko lammaanayaasha dhex maquuranaya dhibaatooyinka la soo gudboonaaday qoysaskoodii waxa ay dhabbaha u sii xaaraysaa dhiirrashada guurka la isku maandhaafo ka dibna dhibaatooyinka laga dhaxlo.

Mas’uuliyiinta isku sawiraysa lammaanaha iyo kuwa gaarsiiyey in loo dhigo aroos heer qaran ah waxaa ka wanaagsanaan lahayd inay wax taraan xaasaskii iyo carruurtii Allaha u naxariistee Axmed Dowlo.

Dhaqanka Soomaalida guurku mararka qaar waxa uu xal u ahaa dhibaatooyin colaadeed oo qabaa’ilka kala dhex taalay sida ay tilmaamayso maahmaahda “Meeshii Xinjiri ku daadatay xab baa lagu burburiyaa”.

Marka laba qabiil ay dhex marto colaad lagu riiqdo ka dibna ay heshiiyaan ayey gabdho is weydaarsan jireen si xididnimo iyo xigaalo halkaas looga unko, gabdhahaas la kala guursaday ayaa godobtir u ahaa dareenno xanuun badan oo kala dhex maray labada qolo ee colaaaddu u dhexaysay.

Waxaan kula talin lahaa lammaanaha da’da yar ee ay u sii muuqato dhibaatada ay guurkooda ka dhaxleen inaysan ku kedsoomin dhalanteedka, ballanqaadyada iyo waxyaabaha aan xaqiiqda ku dhisnayn ee ay kala kulmayaan mas’uuliyiinta iyo dadka kaleba, waa inay u hawlgalaan sidii ay jawiga u caadiyeyn lahaayeen labada qoysna isugu soo jiidi lahaayeen waana inay maanka ku hayaan inuusan u rarin ruux aanan u furi doonin.