Taabit Cabdi:- “Waa In Cadaalada La Mariyaa Dadkii Arxan Darada U Dilay Una Gubay Axmed Muqtaar”

0
350
Thaabit Cabdi Maxamed
Thaabit Cabdi Maxamed

Gudoomiyihii Hore Ee Gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed ayaa Si Dareen leh Kaga Hadlay Dhacdadii Foosha  Xumeed ee Dhawaan Ka dhacday Magaaladda Muqdisho.

Xaafadda Towfiiq Oo Katirsan Degmedda Yaaqshiid Waxaa ka dhacday Fal aad looga naxo taasi oo aheed Heeb Sooc Guur.

Koox Baangado iyo Budad Ku hubeysan ayaa Weeraray Axmed Muqtaar Waxaa ay la dhaceen agabkii ay wateen kadibna Basiin iyo Dab ayey qabad siiyeen isaga oo ku sugan Geerash uu ka shaqeysanaye Kadib Markii Wiil uu adeer uyahay uu La Aqalgalay Gabadh aysan isku heeb aheyn.

“Waa wax laga naxo oo sinnaba loo aqbali karin in qof Soomali ah, waalid ah, reerkiisana u shaqeysta oo bulshada maqaam fiican ku leh si arxandarro ah loo dilo, wiliba dab la qabadsiiyo, isagoo qofna wax dembi ah ka gelin, kaliya faquuq & halagaa sheego heyb-sooc qabiil loo dilay” Ayuu Yiri Thaabit Cabdi Maxamed Duqii Hore Ee Muqdisho.

HALKAN HOOSE KA DAALACO WARSAXAAFADEDKA.

Warsaxaafadeedka Thaabit Cabdi Maxamed

Laamaha Ammaanka Dowladda Soomaaliya ayaa Shaaciyey Sabtidii Shalay in ay gacantabku soo dhigeen tiro Dad ah oo ay Maleenayan in ay yihiin kuwii Falkaasi Geesgay.

Dadka Reer Muqdisho Oo aragtidooda Kadhiibtay Falkan waxaa ay sheegeen in ay tahay wax aan la aqbali karin Mudanna in Cadaaladda Lagu dhameeyo.

Aabo Axmed Muqtaar ayaa Ifka kaga tagay 12-Caruur ah iyo Labo Xaas oo uu Qabay.

Hore Waxaa Dhici Jirtay in Weedh Qura ay ku koobnaato Faquuqa Nuucani ah amaba Heeb-Sooca Guur oo reerku waa ay dhici jirtay in gabadhooda y udiidaan reer kale iyadda oo aysan dhicin wax gacan ka hadal ah Balse Tani waxaa ay tahay Mid ku ugub ah Maqalka Dhagaha Dhacabka Soomaaliyeed.

Dadka Soomaaliyeed waxaa ay ka dhur sugayaan oo ay isha kuhayaan hadba sida dhacdadan ay ku dhammaato iyadda oo Dowladda Soomaliyana laga Sugayo in Cadaaladda ay Mariso Dadka Arinkan Wuxuushnimada ah ubareeray.