Ciidanka Puntiland Oo Howlgalo Kawada Buuraha Calmadoow.+Sawiro.

0
396

Ciidanka Amniga Pintiland Ee (PSF) kuwooda Sida Gaarka ah u tababaran ee Kumaamdooska ahi ayaa lagu soowaramayaa in Howlgalo ay kawadaan Deegaanadda Madarshoon, Karin, Xagarood, Mariidle, Ee Buuraha Calmadoow oo Qiyaastii 53-Km Dhinaca Koonfur kaga Beegan Magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Saraakiil uhadashay Maamulka Puntiland waxaa ay sheegeen in Howlgalada ay ku dileen Xubno sarsare oo katirsan Xarakadda Al-Shabaab iyo Dagaalameyaal.

Howlgaladda Oo soo bilowday Xalay ilaa saakayna Socdo ayey saraakiishu Sheegeen in ay tahay in ay mid ay ku doonayaan in ay Alshabaab kaga sifeeyaan Deegaanadda Puntiland.

Waxaa ay sidookale sheegeen in Howlagalo Maalmihii ugu Dambeeye Ciidamadda Ammaanku ay wadajir uga fuliyeen Magaalooyinka Boosaaso iyo Galkacyo in ay kusoo qabqabteen Dad ay ku tuhmayaan in ay katirsan yihiin Xarakadda Al-Shabaab balse ay baaritaano kuwadaan.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA HOWLGALKA KASOCDA BUURAHA CALMADOOW.