Boqolaal Ruux Oo Ka Qeyb-galay Aaska Marxuum Axmed Muqtaar Oo Loo Dilay Heeb-Sooc Guur.

0
497
Axmed Muqtaar Oo Lageeyey Gurigiisa Runta Ah.
Axmed Muqtaar Oo Lageeyey Gurigiisa Runta Ah.

Marxuum Axmad Mukhtaar oo dhawaan si arxan darro ah loogu dilay Muqdisho sababo la xiriira Heyb sooc Goor ayaa Maanta lagu aasay Isla Muqdisho.

Aaska marxuumka waxaa ka qeyb galay Boqolaal dadweyne ah iyadoona qabuuraha lagu aasay ilaa iyo hooygiisa dadku ay socod kusoo mareen iyagoo takbiirsanaya.

Rabi Naxariistii Jano Haka Waraabiyee Tiro Kamida Qoys wiil uu adeer uyahay uu gabadh ka Aroosay oo ku hubeysan Budad iyo Baangado ayaa Garaacay inta ay Nafta kabaxeysay iyaga oo Markii Danbena Dab iyo Basiin Qabad siiyey.

Dowladda Soomaaliya ayaa Sheegtay in Gacanta Lagu hayo Dadkii Falkaa Arxan darada ah Geestay iyadda oo Shacabka Soomaaliyeedna ay ka dhursugayaan Sida Dowladdu ay ka yeesho Gacan ku dhiiglayaasha Falkaa Wuxuushnimadda ah Fuliyey.

Geerida Axmed Muqtaar ayaa Dad Badan Oo Soomaaliyeed ay aad uga xumaadeen Kadib Markii lagula kacay Heeb-Sooc Guur.

Ilaahey ha u naxariisto marxuumka qabrigiisa alle ha waasiciyo aan u duceyno walaalkeen.