Xamar iyo Xinjiraha Dulmaneyaasha!

0
406
Xinjiraha Dulmaneyaasha.

In kasta oo magaalada Xamar aysan mudnayn eed iyo tuhun ayey burburka ka dib xarun u ahayd tacaddiyo loo geysto dhibbanayaal Soomaaliyeed, toddobaadkaan aynu ku guda jirno waxaa falal dilal gaboodfallo ah lagula kacay afar dulmane oo saddex ka mid ah ahaayeen arday waxayna kala ahaayeen:

1- Deeqo Daahir Cali: Waxa ay ahayd sagaal jir fasalka koowaad ee dugsiga hoose ee Hoyga Xamar waxaa si ula kac ah u toogtay askar isku qabatay waddo ciriiri ah ka dibna rasaas ay fureen ayey ku geeriyootay Deeqa.

2- Axmed Mukhtaar Saalax oo ahaa xoogsade farsama yaqaan gaadiidka ayaa si arxan darro ah loogu dilay xaafadda Towfiiq ee degmada Yaaqshiid, Marxuumka ayaa u geeriyooday baangado iyo dab ay kula kaceen qoys uu wiil adeer u ahaa isku maandhaafeen guurka gabadhooda, falkaan ayaa ahaa mid waxshinnimo ah oo ay ka dideen dareenka dadka qalbiyadooda ay nool yihiin. Axmed Mukhtaar wuxuu god u galay dhibaato ay geysteen wax ma garato aan lahayn damiir bini’aadannimo, mid Soomaalinnimo iyo mid islaannimaba.

3- Aamino Xuseen Xasan ayey malintii shalay kooxo hubaysan ku dileen iyadoo ku fadhida kursigii ay ku lahayd fasalkii ay wax ku baranaysay ee Kulliyadda Sharciyada ee Jaamacadda Soomaaliya. Aamina waxay dhiganaysay sanadkii ugu dambeeyey ee Kulliyadda Sharciyada iyada oo aan dareen qabin ayey kooxo hubaysan beegsadeen halkaasna ku ruux baxday.

4- Dayax IImaan Xasan oo ka qalin jebiyey dhawaan Jaamacadda Palasma ayey maalintii shalay ciidamo watay gaadiidka dagaalka ay ku dileen agagaarka Sey Piano ee degmada Hodan, falkaan ayaa dhacay xilli uu marxuumku saarnaa gaari uu watay. Allaha u wada naxariisto dulmanayaashaas sida gardarrada ah naftooda ugu waayey.
Mar haddii ay magaaladaani lahayn ciidan soo qabta dambiilayaasha iyo caddaalad shaqaysa oo u hiillisa dhibbanayaasha falalka noocaan oo kale ah iyo kuwo ka sii xunba waa suuragal in ay ma naxayaashu ku dhiirradaan.

Dadka magaalada Xamar ku dhaqan haddii aysan ka tashan falalkaan foosha xun maalin kasta waxaan sagootin doonnaa dad aan jecelnaha agteennana qaali ku ah.

Taageer garabsiinta dhibbanayaasha.

XIGASHO Al-Ustaad Cabdulqaadir Maxamed Xassan.