Hub Dhawaan Loogu Deeqay Soomaaliya Oo Lagu iibinayo Suuqyada Magaaladda Muqdisho

0
355

Dowladda Sacuudi Carabiya ayaa Soomaaliya Dhawaan ugu Deeqday Konteenar Hub ah iyo Saanada Ciidanka kaasi oo la sheegay in lagu wareejiyey Wasaaradda Gaashaan-dhigga Xukuumadda Soomaaliya.

Waxaa la sheegay in Hubkaa iyo Dareeska Milatari qaarkii iminka lagu iibiyo Suuqyadda Magaaladda Muqdisho.

Xildhibaan Macalin Cali oo kamidda Mudanayaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Dhawaan Xarunta Golaha Shacabka Kahor sheegay in Dreeskaa iyo Hubkaa ay tahy in la baaro halk iyo sida loomaamulo.

waxaa uu sidookale Sheegay in Dhawaan Dagaalyahanadda Al-Shabaab ay weerar kusoo qaadeen Xarunta Oto Otto oo aan Tobon tilaabo ujirin Xarunta Barlamaanka Soomaaliya islamarkaana Dagaalyahanadii weerarka sooqaaday ay kulabisnaayeen Dareeskii ugu Dambeeye ee Ciidamadda iyo Qoryihii ugu dambeeye ee Ciidanka loogu talagalay.

Waxaa uu xusay in Arimahan ay tahay in Baaritaan Lagu sameeyo islamarkaana wasaaradda Gaashaandhiga Laweydiiyo sida ay ku suuroowday in Agabkii Ciidanka loogu talagalay ay ugu gudbaan Xarakadda Al-Shabaab.

Gudiga Amniga iyo Guddiga Difaaca ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa laga Dhursugayaa waxa kasoo baxa Warbixinadda laga sugayo ee loo igmady kadib Shir Amniga Muqdisho looga hadlaye oo mudo sedex maalin ah muqdisho ay ku lahaayeen Baarlamaanka Soomaaliya.