Hey’adda Amnesty Oo Dowladda Ugu Baaqday In Cadaaladda La Horkeeno Askartii Dishay Deeqa Daahir.

0
319
Amnesty International
Amnesty International

Hey’adda Amnesty International Ayaa ugu baaqday Mafaxweyne Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Hey’adaha Ammaanka Soomaaliya in Cadaalada Lahorkeeno Askarigii dilay Gabadh yar oo Sagaal jir ah.

Cabdulaahi Xasan oo ah Cilmibaare katirsan Hey’adda Amnesty Oo Lahadlay Idaacadda Banaadir Ee Magaaladda Muqdisho ayaa Kawarbixiyey war bixin uu ka qoray Dilka Deeqa Daahir oo wax kabaraneysay Dugsiga Hoyga Xamar.

Deeqa Daahir ayaa aheed gabadh da’yar waxaana ay ku baxday gacanta Askar katirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya.

Deeqa Daahir

Mas’uulkan oo Hey’adda Uqaabilsan Soonaaliya ayaa ka dalbady Madaxweynaha iyo Laamaha ammaanka in cadaaladda loo helo Deeqa daahir oo 18-bishaan Askar ktirsan Dowladda ay ku Dileen Muqdisho.

Waxaa uu sheegay in Hey’addy ay laxerirtay Dad Goobjooge yaaal ah oo goobta ku sugnaa islamarkaana ay u sheegeen in Gaariga Dadweynaha Ee BL-ka looyaqaano oo xiligaa Saxmad kujiray ay rasas ku fureen Islamarkaana mid kamida rasastaa ay haleyshay gabadha yar halka Ruux kalena uu dhaawac kasoo gaaray sida hey’adu ay xaqiijisay oo ay warbixintooda ku qoreen.

Hey’addu waxaa ay nasiib daro ku tilmaamtay in Askartii u xilsaarneed In shacabku ay Amaankooda Sugaan ay ayagu si Bareera Udilayaan Shacabka.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa habeenkii xalay Kulan aan lasii shaacin laqaatay Qoyska gabadhaa yar inkastoo kulanka iyo waxyaabihii lagu soo qaaday warbaahinta aan loo faahfaahin.

Aabaha Dhalay Deeqa Daahir oo Marsii horeysay Warbaahinta Lahadlay waxaa uu dalbaday in Cadaaladda lahorkeeno Askartii Kadambeysay Dilka Gabadhan yar.