Dhacdo Argagax Badan:- Wiil Loo Gubay Heeb-Sooc Guur. “MUQDISHO”.

0
330
Wiilkan waxaa uu ugeeriyooday Heeb sooc Guur Gudaha Magaaladda Muqdisho
Wiilkan waxaa uu ugeeriyooday Heeb sooc Guur Gudaha Magaaladda Muqdisho

Axmed Muqtaar Saalax oo ah Nin Dhalinyaro ah kana soo jeeda beesha Jareer Weyne ayaa Maanta lagu gubay Xaafadda Towfiiq ee Dagmada Yaaqshiid.

Axmad sida la sheegay waxaa gubay Qooys ay ka qabeen gabar.

Axmad wuxuu adeer u yahay wiilka guursaday gabadha oo aheyd beesha Abgaal oo markii hore u diiday gabadhooda balse gabadha aabaheed iyo adeeradeed ay wiilka ku dareen.

Aabaha dhalay Gabadha ayaa gabadhiisa siisay wiilka uu adeerka u yahay marxuumka maanta la dilay ha yeeshee Hooyada dhashay Gabadha iyo Walaaladeed ayaa ka horyimid go’aanka aabaha waxaana ay diideen in Gabadha lagu daro wiilka.

Hooyada iyo Reerkeeda ayaana maanta weerar ku qaaday Adeer Axmad Muqtaar oo ku sugnaay Garaash uu ka shaqeyn jiray waxaana marka hore ay ku dhufteen Waran iyo baangad iyagoona markii dambe sida la sheegay Dab qabadsiiyay Oogada Jirkiisa.

Axmad ayaa ugu dambeyn u geeriyooday Dhaawaca iyo Dabka lagu gubay Waxaana dhacdadaadni foosha xun ay noqoneysaa mid ugub ku ah Caasimadda Muqdisho.

Axmad wuxuu ifka uga tagay 12 Carruur ah iyo laba xaas oo uu qabay.

Garhaar.net  “U Hiiliyaha Umadda Soomaaliyeed”