Dadka Danyarta Ah Oo Isaga Guuraya Magaaladda Dhuuso-Mareeb.

0
430

Magaaladda Dhuuso Mareeb ee Xarunta Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug Waa Magaalo aad moodo in xoogaa laga dareemayo in ay tahay Caasimad.

Taasi waxaa ay jahwareer ku abuurtay dadka danyrta ah ee kunoolaa magaaladda oo bilaabay in ay isaga guuraan kadib markii wax kastaa ay isbedeleen.

Waxaa Cirka isku shareeray Qiimaha kiradda Guryaha, Raashinka Qutul Daruuriga ahi iyo Biyaha iyo Karontadda.

Dhismo aad uqurux badan ayaa Magaaladda ka bilowday waxaana ay noqotay magaalo aaan sinaba aheyn mid uroon dadka danyarta ah.

Tan iyo Markii Dhuuso mareeb ay noqotay Caasimadda Galmudug waxaa ay taa Caqabad kunoqotay Danyartii ku nooleed Magaaladda iyada oo Danyartuna ay Bilaabeyn in ay isaga hayaamaan iyagga oo afka aadiyey hadba halka ay isleeyihiin waadku Nabad galeysaaan.