askari dil geystay oo uu ka soo muuqday Maxkamadda Millatariga .

0
325

eedeysane Mahad Xuseen Shiidow oo ka tirsan ciidamada booliska degmada Beledweyne ee gobolka Hiiraan   ayaa kasoo muuqday maxkamada ee ciidamada Qalabka Sida Ee soomaaliya.

Mahad Xuseen ayaa lagu eedeeyey in uu xabad ku dhuftay Allaha u naxariistee Yaasiin Cali Saney oo mooto bajaajle ahaa.

Yarka bajaajla ahaa ayaa u geeriyooday Xabad uu ku dhufday Mahad Oo ka tirsanaa  ciidamada booliska degmada balad weyne ee Gobolka  Hiiraan 27-kii bishii August ee sanadkan.

Xeer ilaaliyeyaasha ciidamada qalabka sida maxkamadda ciidamada ka codsaday in Mahad Xuseen Shiidow lagu fuliyo dil toogasho ah oo ah dambigii uu geystay.

Maxkamada ayaa dhamaan dadka goob joog u ahaa  dhageysiga dacwada ay ku  wargilisay in ay go’aanka maxkamadda dib laga soo saari doono.