Talaalka Dabeysha Oo Caqabad La Kulmaya.

0
355

Waxaa Socobayo Ol-Olaha Talaalka Cudurka Dabeysha OO Si iskumida uga bilaabmay qeebo badan oo kamid wadamadd Geeska Africa iyadda oo ay barbar soconayaan Caqabato ku horgudban sidii Caruurta looga talaali lahaa cudurkaasi.

in wadamada Geeska Africa mar qura kawada bilaabmo Ol-olaha Talaalka Dabeesha ayaa ka dambeysay Markii Wasiiradda Caafimaadka Urur Goboleedka IGAD ay Shir isugu yimaadeen Dhawaan Kaasi oo ka dhacay Magaaladda Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari Kenya Islamarkaana ay xariga ka jareen Ladagaalanka Cudurkan.

Meelaha Qaar ayaa laga soo warinayaa in Caqabado Ay hortaagan yihiin Talaalka Cudurka Dabeysha.

Dhaqaatiirta iyo Ol’oleeyeyaashu waxaa ay ku dadaalayaan sidii ay usameyn lahaayeen wacyi galinta Bulshadda Qeebaheeda kala Duwan si Caruurtu ay kaga Talaalaan Cudurka Dabeysha.

iyadda oo taa ay bar-bar socoto in Dadka Ay diidan yihiin in Caruurtooda la talaalo.

Bulshadda G/Waqooyi bari ee Kenya ku dhaqan Qaarkood ayaa qaba in Talaalku uu Yahay mid aan wanaagsanen oo hadii Caruurtoodu ay talaalaan Ay ka dhigan tahay iyagga oo dhibaato u horseeday Mustaqbalka Cruurtoodu.

Waxaa ay Rumeysan yihiin in Talaalka ay kujiraan Maadooyin yareeya Dhalmadda ubadka taasi oo ah Caqabadda ugu weyn ee ku gidaaman in Caruurtu laga talaalo Cudurka Badeysha.

Dadka U Ole’Oleeya Talaalka Cudurka Dhabeysha iyo Dhaqaatiirta ayaase umuuqda kuwa aan ka daalin howshooda si loo helo Bulsho Caafimaad qabta iyagga oo Halku Dhiga Sanadkan ka dhigay Bad-Baadi Caruurtaada oo Talaal si Aysan u noqon Berito Kuwa Naafooba.