In Ka Badan 200- Oo Askari Oo Katirsan NISA Oo Shaqadda Eryey.

0
346

Mudane katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Shaaciyey In In kabadan 200- Oo Askari oo katirsan Ciidamadda NISA in la Eryey islamarkaana aysan jirin Wax shaqo ah oo loo igmaday.

Xildhibaan Macalin Cali oo kamida Mudaneyaasha Baarlamaanka Soomaaliya kana mida Gudiga Amniga ee Baarlamaanka ayaa Sheegay in Ciidamadaa shaqada laga ruqseeyey ay suuragal tahay in iyagu ay ka qeybqaataan Amni daradda Muqdisho.

Waxaa uu xusay in arintaasi ay tahay Baaritaan dhab ah lagu sameeyo.

Waxaa uu ka dhawajiyey Weerardda al-Shabaab ee Magaaladda Muqdisho asiga oo Tusaale usoo qaatay Weerarkii Xrunta Otto Oto oo Aan Tobon tilaabo kabadan ujirin Xarunta Barlamaanka kaasi oo uu sheegay in lagu fuliyey Dreeska Ciidanka Dowladda Soomaaliya.

Waxaa uu walwal xoogan ka muujiyey in Ciidamdan tiradda badan ee Shaqada laga Ruqseeye in ay qeeb kanoqdaan Amni daradda Magaaladda Muqdisho kasocota hadii ay laheshiiyan Xarakadda Al-Shabaab.

Waxaana uu ku nuuxnuuxsaday in ay tahay in la helo Cid lagula Xisaabtamo Arintaasi oo Mas’uuliyadeeda Dusha Uridata.

Xildhibaankan ayaa hadalkan kasheegay kulan Ammaanka looga hadlaye oo Sedexdi Maalin ee ugu dambeeysay kasoconaye Magaaladda Muqdisho.

Waxaana kulankaasi oo shalay lasoo gunaanaday Gaba-gabadiisa lagu sheegay in loobahan yahay in Gudiydda Amnida iyo Difaaca ee Barlamaanka ay keenaan Warbixino kusbsan Habaca Dhinca Amnig ah ee kajira Magaaldda Casimadda ahi ee Muqdisho.