Xaalada G/Gedo Oo Dagan Kadib Dagaal Culus Oo Shalay Ka Dhacay.

0
327

Waxaa Degen Xaaladda Gobolka Gedo oo Shalay Dagaal qaraar uu ku dhexmaray Ciidamadda Draawiishta Jubaland iyo Dagaalyahanadda Xarakadda Al-Shabaab.

Shalay Dagaal aad u xoogan ayaa halkaa kadhacy kadib Markii Ciidamdda Daraawiishta Jubaland ay Weerar ku qaadeen Fariisin Al-Shabab ay ku leeyihiin Meel Qiyaastii 60-Km ujirta Deegaanka Doowloow oo Gobolka Gedo Katirsan.

Goobjoogeyaal ku sugan Doloow ayaa Warsidaha Gargaar.net u sheegay in xaaladu xilligan ay tahay mid degen wallow suurgal ay tahay in Markale dagaal uu dib uga qarxo halkaa.

Sargaal sare oo katirsan Ciidamadda Daraawiishta jubaland waxaa uu shalay warbaahinta u sheegay in Dagaalku ay iyagu kuqaadeen Fariisin al Shabaabku ku leeyihiin meel Qiyaastii 60-km ujirta Degmedda Doloow kadib markii ay heleen xogo sheegaya in Shabaabku ay dhqdhaqaaqyo ciidan ay kawadaan Inta udhexeysa Dowloow iyo beled xaawo.

waxaa uu sidookale Sargaalkan Sheegay in halkaa ay ku dileen 11-dagaalame oo katirsan Xarakadda Al-Shabaab balse uu dhankooda jiro khasaaraha 5-Dhimasho ah iyo 7-Dhaawac ah.

Al-Shabaab ayaa dhankooda war ay kubaahiyeen Baraha Internetka oo ay wararkooda ku faafistan ku Sheegay in ay dileen 10-kamida Ciidamadda Daraawiishta Jubaland oo weerar kusoo qaaday.

Majiro ilo madaxbanaan oo xaqiijinaya Sheegashadda labda dhinac marka laga soo tago in Dagaaladoodu khasaaradda ugu badan ay kasoo garto maatada ay ku kor dagaalamayaan iyadda oo aaney jirin cid udamqaneysa labda dhinacba dadka rayidka ah marka laga soo tago in ay fiirsanayaan danahooda gaarka ah.