Dowladda Federaalka:Al-Shabaab Nagama Hor-istaagi karaan gurmadka Abaaraha.

0
370

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyey falkii shalay ay kooxda Al-Shabaab ay qarax miino ugu geysteen gaari ay saarnaayeen xubno ka socda Guddiga Abaaraha Qaranka iyagoo maraya deegaanka Garasbaaley si shacabka barakacayaasha ah loogu gurmado.

Wasiirka Warfaafinta   Dowladda Federaalka Soomaaliya  Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yarisow)  oo warsaxafadeed ka soo saaray weerarkan ayaa sheegay in la weeraray Gaari ay saarnaayeen xubno ka mid ah Guddiga Abaaraha Qaranka, Guddi ka socday Gobolka Banaadir iyo gawaari kale oo ay saarnaayeen Saraakiil ka socday Bisha Cas ee Imaaraadka oo ay ku sii jeedeen deegaanka Garasbaaley si ay ugu kuurgalaan xaalada dadka barakacayaasha ah ee deegaankaas si loo gaarsiiyo gurmad deg-deg ah ayaa waxaa gaarigii hore loo dhigay miino ay kooxaha argagaxisada ah ugu talo galeen inay ku hor-istaagaan gurmadkaas.

“Qaraxa miinada ay argagaxisadu doonayeen inay ku dilaan saraakiisha u gurmaneysa shacabka, ayaa waxaa nasiib wanaag ah in uu EEBBE ka bad-baadiyey oo aysan jirin wax khasaare ah ama dhaawac ah. Gaarigii ayaa halkaas ku gubtay, dadkii saarnaana waa ay bad-baadeen dhammaantood” ayii yiri wasiirku oo sii raaciyay

“Al-Shabaab nagama hor-istaagi karaan gurmadka abaarahad dalka ka socda. Dowladda Federaalku waxey mudnaan gaar ah siisay u gurmadka dadka ay abaarahu saameeyeen, Wallaalaha Imaaraadka ee noogu yimid inay shacabka gar-gaaraan waxey noo sheegeen inaysan marnaba joojin doonin gar-gaarka ay Soomaalida u fidiyaan waqtigan xasaasiga ah.”

Wuxuu sheegay Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay in dadaal walba loo galo sidii shacabka tabaaleysan loogu gurman lahaa, islamarkaana  ay  labo-jibaari doonaan howlaha gurmadka abaaraha ee hadda u socda si xowli ah.

dhinaca kale, Dowladda Imaraadka carabta ayaa cambaaraysay weerarkaasi miino ee lagu qaaday wafti ka socday bisha Cas Imaraadka iyo guddiga gurmadka Abaaraha ee heer federaal, kaasi oo aan wax khasaare ah ka soo gaarin.

Gabagabadii, Guddiga gurmadka Abaaraha iyo hay’adda bisha Cas ee Imaraadka ayaa hakiyay safarkii u kuurgalka xaalada dadka abaaruhu saameeyeen  ee ku nool degmooyinka ka baxsan caasimadda Muqdisho, mana sheegin inay mar kale u qorshaysan tahay in ay safar ku tagaan meel ka baxsan Muqdisho.