Erdogan oo ku guuleystay afti awooddiisa lagu kordhinayay.

0
292
Xisbiga madaxweyne Erdogan ayaa ku guuleystay aftidii ka dhacday dalka Turkiga oo waxaa ay heleen 51.37% halka garabka mucaaradka iyaguna ay heleen boqolkiiba 48.63 guud ahaan codadkii la dhiibtay, labada dhinac oo aad isugu dhawaa ayaa waxaa ay guddiga doorashada ku dhawaaqeen in qolyaha taageersan ”HAA” ay ku guuleysteen aftda.

Natiijada aftida ayaa ka dhigan in madaxweyne Erdogan uu xafiiska sii joogi doona ilaa iyo sannadka 2019-ka.

Qaabka codadka loo dhiibanayoLahaanshaha sawirkaAP
Image captionQaabka codadka loo dhiibanayo

Xisbiga mucaaradka ee ugu weyn dalkaasi ayaa sheegay in wax isadabamrin ay hareesay codbixinta.

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa isaguna meel fagaara ah ka sheegay in si aqlabiyad ah lagu meel mariyay dastuurka cusub.

Taageerayaasha madaxweyne Erdogan ayaa dhankooda sheegay in arrintani ay ka dhigantahay in hanaanka barlamaanka ee dalkaasi lagu bedelayo qaab madaxweyne.

Madaxweyne Erdogan oo codkiisa dhiibanayaLahaanshaha sawirkaEPA
Image captionMadaxweyne Erdogan oo codkiisa dhiibanaya