SAWIRRO: Wasiirka Amniga Qaranka Oo Daah-Furay Hab Cusub Oo La Xiriira Qaadashada Basaboorka Soomaaliya.

0
399

Wasiirka Wasaaradda Amniga Qaranka Mudane Maxamed Abukar Islow (Ducaale) ayaa maanta si rasmi ah u daahfurey habka cusub ee qadashada Basaboorka Soomaliya oo laga hirgaliyey dalka.

Habkaan cusub ee qadashada Basaboorka ayaa ah mid lagu hubinayo qaadashada basaboorka, iyada oo la raacayo hanaan isku xiran oo ku salaysan sharciyada iyo xeerarka bixinta Jinsiyadda, Aqoosiga iyo baasaboorka Soomaaliga ah.

Sidoo kale wuxuu wasiirka kormeer guud ku sameyay xaruunta bixinta Basaboorada iyo xaafiisyada maamulka Hay’adda Socddaalka iyo Jinsiyadda, wuxuuna la kulmay shaqaalaha iyo shacabka loo adeegayey, isaga oo su’aalo weydiiyey shacabka sida ay u arkaan hanaanka.