Maxaa Iska Bedelay Liiska Kala Sareynta Premier League Kadib Ciyaarihii Shalay Iyo Maanta.?

0
363

Ka dib guuldaradii kooxda hogaanka u heysa horyaalka ee Chelsea ka soo gaartay kooxda Manchester United, waxaa dib u furmay tartanka horyaalka iyadoo kooxda kaalinta labaad ee Tottenham ay haatan fursad u heysato inay koobka horyaalka ku ciriiriso kooxda Antonio Conte.

Man United oo u tartameysa afarta boos ee ugu sareysa horyaalka ayaa 2-0 ku garaacday maanta kooxda Blues kulankii ka dhacay Old Trafford, waxaana ay taasi keentay in hogaankii Blues ee todobada dhibcood laga soo dhigo afar dhibcood ka dib guushii ay Sabtidii gaartay kooxda kaalinta labaad ee Tottenham.

Chelsea waxa ay haatan leedahay 75 dhibcood ka dib 32 kulan oo ay ciyaareen, halka kooxda kaalinta labaad ee Tottenham ay uruursatay 71 dhibcodo iyagana waxa ay ciyaareen 32 kulan. Kooxda Liverpool oo kaalinta 3aad ku soo laabatay maanta ka dib guushii ay ka gaareen West Brom ayaa leh 66 dhibcood balse waxa ay ciyaareen 33 kulan.

Man City oo shalayto guul weyn gaartay ayaa buuxineysa booska kaalinta afaraad iyagoo leh 64 dhibcodo, waxaana ay ciyaareen 32 kulan. Ka dib guushii ay United maanta gaartay waxa ay leeyihiin 60 dhibcood laakiin waxa ay ciyaareen kaliya 31 kulan. Kulanka xiga ee United ay ciyaareyso waa 23ka April markaasoo ay la ciyaarayaan kooxda Burnely, haddii ay kulankaas badiyaan waxa ay hal dhibic u soo jirsan doonaan kooxda kaalinta afaraad ee Man City.

Ka dib 27da bisha waxaa lagu balansan yahay kulanka Manchester Derby iyadoo kooxdii badisa ay markaas si toos ah u la wareegi doono booska kaalinta afaraad. Kooxda Liverpool oo seddexaad ku jirta ayaa iyadana fursad u heli doonta inay booskeeda sii xajisato marka ay 23ka bishaan wajahayana kooxda Crystal Palce.

Palace waxa ay sidoo kale 26ka bisha April la ciyaari doontaa Tottenham, halka kooxda hogaanka heysa ee Chelsea ay 25ka April la dheeli doonto Southampton.

Dhanka kaalimaha ugu hooseeya horyaalka si aad ah ayaa la isagu dhow yahay tartan culus ayaana ka jira. Sunderland xaalka ayaa ku adag welina iyaga ayaa ugu hooseeya horyaalka iyagoo leh 21 dhibcood ka dib barbarihii ay la galeen West Ham. Kaalinta 19aad waxaa ku jirta Middlesbrough oo habeen danbe la dheeli doonta Arsenal kuwaasoo leh 24 dhibcood.

Swansea ayaa dhameystireysa seddexda kooxood ee ugu hooreysa horyaalka waxaana ay leeyihiin 28 dhibcood, laakiin Hull City ayaa iyadana weli halis ku jirta madaama ay kaliya labo dhibcood ka sareeyaan Swansea. Crystal Palace iyo Bournemouth waxa ay u muuqdaan kuwa haatan fakanaya iyagoo wada leh 35 dhibcood.