Antoine, Mbappe & Neymar Oo Hogaminaya Lix Weeraryahan Oo La Filayo Iney Midkood Lasoo Saxiixato United

0
274

Inkastoo Zlatan Ibrahimovic uu yahay badbaadiyaha Manchester United ee xili ciyaareedkaan, balse lama hubo inuu xidigaan heerka caalami baaqi kusii ahaan doono garoonka Old Trafford marka uu dhamaado xili ciyaareedkaan.

Zlatan waxaa si daran loola xiriirinayaa kooxda LA Galaxy ee dalka mareykanka, balse warbaahinta qaar ayaa sheegaya in weeraryahankii hore PSG uu isaga tagi doono Red Devils hadii ay ku fashilmaan iney usoo baxaan Champions League.

Si kastaba waxaa jira hadal heyn badan oo Manchester United la xiriineysa ciyaartoy badan oo awood ku leh qaaradda yurub, waxaa warbaahinta Spain ay sheegaan in Jose Mourinho uu doonayo saxiixa Antoine Griezmann iyo Neymar Junior.

Sidoo kale kama marna in Jose uu il gaar ah ku hayo wiilka ka gadoodsan kooxdiisa ee Alexis Sanchez, si la mid ah Lukaku oo ugu yaraan doonaya inuu koox weyn aado si uu koobab ugu guulysto.

W/Q;Cabdi qani Cumar Xasan