XASAASI: Ciidamo American Ah Oo Muqdisho Soo Gaaray/

0
354

Dowladda mareykanka ayaa la sheegay in soomalia ay usoo dirtay ciidamo mareykan ah waxaana ay soo gaareen caasimadda muqdisho.

Saraakiil Maryakan ah ayaa sheegay in ciidamo Maraykanka la geeyay magaalada Muqdisho ee dalka Somalia si ay tababar u siiyaan ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Ciidamadaan ayaa waxaa howshooda ay noqon doontaa tababarka ciidamada dowladda iyo kuwa amisom .

Tiro kooban oo ciidamo ah ayaa 2-dii bishan ka dagay magaalada Muqdisho, waxaana saraakiishu sheegeen in tagista ciidankaasi ay codsatay dowladda Somalia.

Saraakiisha dowladda madaxweyne trump waxa ay sheegeen in dowladda soomalia ay dalbatay in ciidamo mareykan ah la keeno soomalia si ay uga qeyb qaataan dhismaha ciidamada xooga dalka iyo la dagaalanka alshabaab.

Mareykanka soomalia waxaa ka jooga ciidamo qarsoodi ah oo ka qeyb qaata howlgallada ay ciidamada kumaandoosta ka sameeyaan gobaha ay shabaabka joogaan waxaana xusid mudan in diyaaraddaha qumaatiga u kaca ee mareykanka ay daabulaan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee kumaandoosta.