DAAWO SAWIRRADA: Waa sidee xaalada caafimaad ee Sarkaal Faa’iso C.rashiid ?

0
390

Faa’iso Cabdi Cusmaan waxay ku magac dheer tahay (Furqaan) waa Hal xidigle ka tirsan saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka, iyada oo shaqada Qaranka ku jirta ayay shil gashay, waxayna ka jabtay Laf dhabarta.

Si dhaawaceeda loo daweeyo waxaa loo qaaday dalka Turkiga, balse wax waa looga qaban waayay, dhaqaatiirta waxa ay sheegeen in Dawadeeda laga heli karo dalal uu ka mid yahay Jarmalka, dhaqaale dalka jarmalka ay ku tagto ma heysato, dalka aya dib loogu soo celiyay.

Waxaa intaas ka daran mudada caafimaadkeeda wax looga qaban karo ayaa aad u kooban.

Gabdhaha ku jira Ciidamada Soomaaliya qeybahooda kala duwan ayaa waxa ay yihiin kuwo aad u kooban.

Nasiib daro Faa’iso waxa ay sheegtay maanta iyada oo caafimaad qabta in ay jeclaan laheyd ka qeyb qaadashada dabaal dega sanadguurada Ciidanka Xooga dalka 12-ka April,  waxayna sheegtay in aysan ka maqnaan Karin oo ay maanta ka qeyb galeyso.

Waxaa nala gudboon inaan garab istaagno Furqaano oo aan caawino, maadaama dalkeeda, dadkeeda iyo diinteeda ay u hurtay Nafteeda oo wax ka qaalisdan aysan jirin.

Furqaan C/rashiid oo dhowaan la kulantay Wasiirka Gaashaandhiga cusub ee Soomaaliya C/rashiid C/laahi Maxamed ayaa waxa uu u balan qaaday in dalka Jarmalka uu geyn doono, si halkaasi loogu soo dabiibo.

 

DSC_0968DSC_0973DSC_0986DSC_0989DSC_0993DSC_1003DSC_1009DSC_1016