South Sudan oo xabsiga dhigtay Soomaali tahriib aheyd iyo kuwii tahriibinayay.

0
258

Ciidammada sirdoonka South Sudan ayaa waxa ay gacanta ku dhigeen 22 qof oo isugu jira Soomaali tahriib aheyd iyo kuwii tahriibinayay.

Dadkan oo laba ka mid ah ay u dhasheen South Sudan ayaa lagu qabtay Magaalada Juba ee caasimadda waddankaasi xilli ay isu diyaarinayeen safar ay ku aadi lahaayeen waqooyiga Afrika.

South Sudan oo maalmahan dambe marin cusub u noqotay dadka tahriibaya ayaa sirdoonkoodu waxa uu sheegayaa inay dhaqangalinayaan tallaabooyin ay arrimahaa ku xadidayaan.