Muqdisho: Gaari Ay Leeyihiin Ciidamadda Amisom Oo Jiiray Wiil Dhalinyaro Ah. DHAGEYSO:-

0
334

Gaari ay leeyihiin ciidanka Amisom ee Soomaaliya Kujooga magaca Nabad ilaalinta ayaa waxaa caawa kadib Salaadii Maqrib uu jiiray wiil dhalin yaro ah.

Gaarigan ayaa kamid ahaa kolonyo ciidamo ah oo maraye wadada wadnaha gaar ahaan inta udhexeyso isgoosyada Sanco Iyo Afarta Jardiino.

Wiilkan ay jiireen gawaaridda Amisom ayaa ahaa wiil dhalin yaro ah oo la shaqeynaye midkamida gawaaridda Dadweynaha ee BL-KA looyaqaano ee isticmaala wadada wadnaha.

Kolonyadda ayaa markii ay falka dhacay kadib isku daye in ay baxsadaan oo cararay sida had iyo goorba caadada u ah waxaa se qabtay Ciidamadda Amaanka ee kusugan Isgooska Siinaay.

Inta badan Ciidamadda Howlgalka Midowga Africa ee Amisom ayaa Gawaaridooda kujiira dadka rayidka ah ayaga oo isku daya in ay baxsadaan kadib marka ay falka geestaan.

Shacabka soomaaliyeed eek u dhaqan Nawaaxigga halka uu falkan ka dhacay ayaa qeylo dhaan dhigay oo eryaday gawaaridda ayaga oo muujinaya sida ay uga xun yihiin sida arxanka daran oo gawaaridda Amisom ay ujiireen Wiilkan Dhalinyarada Ah.

HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO DIBAD BAXA IYO SIDA SHACABKA AY KAGA HADLEEN DILKAN ARXAN DARADA AH.

codka shacabka