Farmaajo Oo U Duulaya Magaaladda Dubai.

0
371

Madaxweynaha Jamhuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Axadda Maanta ah la filayaa in uu u duulo Dalka Imaaaraadka halkaasi oo uu kutagi doono booqasho rasmi ah.

Booqashadan ayaa la filayaa in ay noqoto mid ay isugu soo dhawaadaan Farmaajo iyo Imaaraaadka oo dhawaanahan xurguf siyasded k dhex alolsaneed.

Xiisadan ayaa ka dhalatay kadib marki Dowladda Soomaaliya ay aad kaga soo hor jeesatay saldhig imaaraadku damacsanaa in uu ka dhiso Dekedda Berbera.

Waxaa hadda ku sugan imaaraadka wafdi Horu dhac u ah socdaalka madaxweynaha oo uu hogaminayo wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar.

Boqortooyada sacuudiga ayaa la sheegay in ay dhexdhexaadineyso soomaaliya iyo imaaraadka.

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu kula kulmo magaalada Dubai madax ka tirsan dowladda Isu Tagga Imaaraadka Carabta, iyadoo la filayo in Imaaraadku xiriir dhow oo saaxibtinimo la yeesho Madaxweyne Farmaajo.

Booqashada Madaxweyne Farmaajo ee Imaaraadka Carabta ayaa ku soo aadeysa, xilli labo maalin ka hor magaalada Abu Dhabi heshiis ku kala saxiixdeen Mas’uuliyiinta Shirkadda DP World iyo Madaxweynaha Puntland, kaasoo ahaa heshiis lagula wareegayo Dekeda Boosaaso, laguna ballaarinayo.

Waxaana xusid mudan in imaaraadka ay aad isugu dhawaayeen oo uu xirir dhaw ka dhexeeyey madaxweynihii hore ee somaliya Xassan Sheakh Maxamuud

         

                  W/Q: Zakariye Maxamuud Cali Qaran.