UNHCR: Tiradii Ugu Badnaa Ee Qaxooti Ah Ayaa Ku Soo Noqday Soomaaliya.

0
364

Hey’adda Qaramadda midoobe ugu xilsaaran arimaha qaxootigga ee UNHCR ayaa war qoraal ah oo ay soo saaartay waxaa ay kaga hadashay arimaha qaxootigga waxaana ay sheegtay in ay soomaaliya dib ugu soo celiyeen ilaa Lixden Kun oo ruux taasi oo ka dhigan tiradii ugu badneed.

war Qoraaala oo hey’adda kasoo baxay ayaa lagu sheegay in howlaha la xiriidha dib usoo celnta Qaxootigga Soomaaliyeed in meel wanaagsan ay marayaan islamarkaana dadka ay soo celinayaan ay yihiin kuwa iskood ugo’aansaday in dalkooda dib ugu Gurya Noqdaan oo aysan jirin cid lagu qasbay.

UNHCR ayaa tilmaamtay in tan iyo bishii December 2014 kii dalka soomaaliya dib loogu soo celyey 59,829 oo ah qaxooti soomaaliyeed oo go’aansaday in dalkooda ay dib ugu noqdaan kuwaasi oo ku noolaa xeryaha qaxootiga dalka kenya.

waxaana arinta ay ka dhigan tahay tiradii ugu badneed ee qaxootiga soomaaliyeed in iminka ay go’aansadeen in dalkooda dib ugu noqdaan.

kenya Oo martigalisay qaxootigii ugu badnaa ayaa sheegtay dhowr jeer oo hore in ay xireyso xeryaha qaxootiga ee dhadhaab oo ay kunool yihiin tiro badan oo kamida qaxootiga soomaaliyeed waxaana ay tuhunsan tahay in halkaa ay tahay halka laga soo ababulo weeraradda alshabaab ay ka fulinayaan dalkaasi.

W/Q:  Zakariye Maxamuud Cali Qaran.